4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Apr 22, 2015
UNCHR: Qoxootiga Soomaaliyeed ee Dhadhaab Diyaar ayay u yihiin inay Dalkooda ku Laabtaan


Arbaco, Abriil 22, 2015 (HOL) — Hay’ada Qoxootiga Dunida ee UNHCR ayaa sheegtay in Talaadadii shalay inay Qoxootiga Soomaaliyeed ee ku jira Xeryaha Dhadhaab ee Kenya ay doonayaan inay dalkooda ugu laabtaan si iskood ah.

Mas’uuliyiin ka tirsan UNHCR ayaa sheegay kaddib shir saddex-geesood ah oo dowladda Soomaaliya, Kenya iyo Qaramada Midoobay ay ay Nairobi ku yeesheen ayaa sheegay in tallaabada labaad oo la qaaday ay noqon doonto in la hubiyo inay qoxootigu si iskood ah ugu laabtaan dalkooda Soomaaliya, loona helo agabkii ay ku laaban lahaayeen.

“Qoxootiga ku jira xeryaha Dhadhaab oo dhan waxay doonayaan inay si iskood ah ugu laabtaan dalkooda; balse waxay u baahan yihiin deegaanno nabdoon oo ay ku laataan iyo waxyaabihii aasaasiga ahaa ee ay ku labaan lahaayeen. Waana midda aan u baahannahay inaan kawada shaqeynno,” ayay tiri madaxda UNCHR.

Sidoo kale, hay’adda Qoxootiga Adduunka ayaa sheegtay in howsha dib u laabashada qoxootiga ay billalabtay bishii November 2013-kii, kaddib markii ay Kenya, Somalia iyo UNHCR ay saxiixeen heshiiska saddex-geesoodka ah.

Heshiiskan saddex-geesoodka ah waa mid dhigaya in qoxootiga ay si iskood ah dib ugu laabtaan, balse aan lagu qasbin inay dalkooda ku laabtaan, iyadoo Kenya ay dhawaan ku dhawaaqday in xeryaha Qoxootiga Dhadhaab lagu xiro muddo saddex bliood ah.

Dhanka kale, wasiirradda arrimaha dibadda dalka Kenya, Aamina Maxamed ayaa iyadana sheegtay in shirkii saddex-geesoodka ahaa ee shalay Nairobi lagu qabtay looga hadlay in qoxootiga Dhadhaab dib loogu celiyo dalkooda muddo saddex bilood gudahood ah.

“Waxaan isla garannay saddexdeeda dhinac in qoxootiga Soomaalida ah dib loogu celiyo dalkooda sida ugu dhaqsiyaha badan, muddaduna waa saddex bilood gudahood; balse wax walba waxay ku xirnaan doonaan sida howshu ay u fusho,” ayay tiri Aamino Maxamed.

Si kastaba ha ahaatee, madaxweyne ku xigeenka Kenya, William Ruto ayaa ku dhawaaqay dhawaan in hay’adda Qoxootiga ay Somalia dib ugu celiyo qoxootiga ku jira xeryaha Dha-dhaab muddo saddex bilood gudahood ah.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Onlin
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya