4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Apr 22, 2015
DLAMINI-ZUMA: Xad-gudubyada lagu Eedeeyo AMISOM Waa kuwo aan Markhaati cad loo hayn


Arbaco, Abriil 22, 2015 (HOL) — Guddoomiyaha guddiga Midowga Afrika Dr. Nkosazana Dlamini-Zuma ayaa daboolka ka qaadday in eedeymaha galmo ee lagu eedeeyo inta badan ciidamada AMISOM ee ka howlgala Somalia ay yihiin kuwo aan loo hayn caddeymo sax ah.

Dlamini-Zuma ayaa sheegtay in ciidamada lagu eedeeyay 21-jeer inay dalka Soomaaliya ka geysteen xadgudubyo galmo; kuwaasoo ay baahisay hay’adda Human Rights Watch ay laba eedeymood oo keliya ka yihiin kuwo runta u dhow.

Hay’adda HRW ayaa bishii September ee sannadkii hore sii daysay eedeymo la xiriira xad-gudbyo galmo oo ay ciidamada AMISOM kula kaceen haween Soomaaliyeed oo ay ku jiraan kuwo da’doodu ka yar tahay 12-sano, kuwaas oo xarumaha ciidamada AMISOM ee Muqdisho u raadsaday cunno iyo dawo.

Sidoo kale, guddoomiyaha guddiga Midowga Afirka ayaa sheegtay inay guddi u saartay baarista eedeymaha la sheegay, kuwaasoo muddo afar bilood ah ku jiray baaritaannada 21-ka eedeymo ee HRW ay baahisay.

“Guddiga aan arrintan u saaray, waxay heleen oo keliya laba eedeymood oo ka mid ah eedeymaha ay HRW baahisay ee ku saabsanaa xadgudubyadii ay ku kaceen qaar ka mid ah ciidamada AMISOM ee Somalia jooga,” ayay ku tiri Nkosazana warbixin ay soo saartay.

Dlanini-Zuma waxay kaloo qoraalkeeda ku xustay in eedeymaha kale ee ay baahisay HRW ay kala hadleen inay caddeymo u keenaan, balse aysan illaa hadda wax caddeymo ah oo ay soo gudbiyeen aanay hayn.

Waxay kaloo warbixinteeda ku sheegtay in xadugudbyada ay ciidamada ka socda Midowga Afrika ee AMISOM ka geystaan Somalia aysan ahayn kuwo sida loo sheegayo u baahsan.

Dhanka kale, Madaxa Midowga Afirka ayaa sheegtay inaysan mar dambe u dulqaadan doonin eedeymo noocan oo kale, iyadoo ugu baaqday hay’adda HRW inay baaritaanno dhab ah ku sameyso xogaha noocan oo kale ah ee ay baahinayso.

“Midowga Afrika iyo AMISOM waxaa ka go’an inay ilaaliyaan xuquuqda haweenka iyo gabdhaha, aysana ogolaanayn in ciidankoodu ay xadugudbyo galmo kula kacaan dumarka Soomaaliyeed,” ayay hadalkeeda ku dartay Dlamini-zuma.

Ugu dambeyn, ciidamada AMISOM oo tiradoodu tahay 22,000-askari ayaa waxay gacan ka siiyaan dowladda Somalia dagaalka ay kula jirto Al-shabaab oo muddo badan isku dayaysay inay xukunka ka tuurto dowladda Somalia ee uu caalamku aqoonsan yahay.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Onlin
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya