4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Apr 22, 2015
Xuutiyiinta Yemen oo qabsaday xarumo iyo Iran oo soo dhaweysay Joojinta Duqeyntii Yemen

Arbaco, Abriil 22, 2015 (HOL) — Dagaal dheeraad ayaa ka socda Yemen ayay falaagada Xuuthiyiinta Shiicada ay waxay kula wareegeen xarumo ku yaalla magaalada Tacis ee Koonfurta Yemen, saacado kaddib markii is-bahaysiga Sacuudigu hoggaaminayo uu ku dhawaaqay inay hakiyeen afar toddobaad duqeyntii ay ku hayeen Xuuthiyiinta Yemen.

Afhayeen u hadlay xulafada Sacuudiga uu hogaminayo ayaa sheegay inay diiradda saari doonaan siidi loo heli lahaa xal siyaasadeed oo dhibaatada ka jirta Yemen lagu soo afjaro, balse wuxuu sheegay in meesha aan laga saari doonin in xoog milatari la adeegsado haddii loo baahdo.

Dowladda Iiraan ayaa ku tilmaantay go'aanka ay Sacuudiga ku hakinayeen duqeyntii ay ku hayeen goobaha ay gacanta ku hayaan mucaaradka Yemen tallaabo aad u wanaagsan oo ay soo dhaweynayaan, waxayna ku baaqeen wadahadalo lagu dhameynayo dagaallada ka socda Yemen.

Wasiirka arrimaha dibadda Iiraan, Maxammed Javad Zarif ayaa ku baaqay in wadahadaala deg-deg ah la furo, gargaar bini'aadanimana la gaarsiiyo dalka Yemen.

Ugu dambeyn, xuuthiyiinta Yemen oo maamulka magaalada Sanca ee xarunta dalka Yemen ayaa ku sii siqaya deegaanno badan oo Koonfurta Yemen ku yaalla, taasoo C/rabbu Haaddi Mansuur madaxweynaha Yemne ku qasabtay inuu ka cararo dalkaas.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Onlin
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya