4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Apr 22, 2015
Maamulka Gobolka Nugaal oo Kulan looga Hadlay Adkeynta Amniga ku Qabtay Magaalada Garoowe

Arbaco, Abriil 22, 2015 (HOL) — Kulankan oo ahaa mid aan caadi ahayn ayaa waxa ka soo qayb-galay inta badan golayaasha dowladda oo ay ku jiraan golaha wasiirada, xubno ka tirsan barlamaanka iyo qaar kamid ah dadweynaha magaalada Garowe.

Waxaa shirkan oo daba-socday mid shalay galinkii danbe lagu qabtay xarunta madaxtooyada uu ka dhacay hoolka shirarka ee maamulka gobolka Nugaal ,waxaana looga hadlay arimaha amniga iyo sidii looga hortagi lahaa weerarro hor leh oo ka dhaca magaala madaxda Puntland.

Guddoomiyaha gobolka Nugaal Cabdulaahi Ciise Aw Axmed oo soo qaban-qaabiyay kulankan ayaa sheegay in adkaynta amniga aan cidna marti loogu noqon doonin ,waxaana uu ku hanjabay in cid kasta oo laga shakiyo loo isticmaali doono awood ciidan.

“Waxaan idiin cadaynayaa in dowladda aysan gacmaha ka laaban doonin qof kasta oo ku lug yeesho falal amni darro ,waa lala dagaalami doono xitaa hadii uu gobolkan u dhashay “ ayuu yiri guddoomiyaha oo ka hadlayay shirkii maanta.

Duqa degmada Garowe Cabdicasiis Nuur Calmi ayaa isna sheegay in amniga magaalada Garowe ay kala kaashan doonaan shacabka ,waxaana kulankan looga dhawaaqay xafiis cusub oo isku xiri doona dadweynaha iyo booliska si looga hortago weerarro mar kale ka dhaca magaalada.

Wasiirka arimaha gudaha Puntland Axmed Karaash oo kulanka soo xiray ayaa sheegay in maamulku uu dagaal adag kula jiro kooxda Al-shabaab oo maalmo ka hor sheegatay weerar lagu dilay shaqaale ka tirsanaa Qaramada Midoobay oo ka dhacay  magaalada Garowe.

Ugu dambeyn, madaxweyne ku xigeenka Puntland Cabdi xakiin Xaaji Cuamr (Camey) ayaa isna shalay sheegay in weerarkii lagu qaada shaqaalaha Qaramada Midoobay uu ahaamid  ismiidaamin ah oo ay kooxda Al-shabaab soo abaabushay.

Faysal Mohamed Hassan
[email protected]