4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Apr 22, 2015
Guddoomiyihii deegaanka Gaarisa ee Dalka Kenya iyo Saraakiil kale oo Shaqooyinkii laga Eryay


Arbaco, Abriil 22, 2015 (HOL) — Dowlada Kenya ayaa shaqada ka joojisay guddoomiyihii deegaanka Gaarisa, Njenga Miiri iyo shan sarkaal oo booliiska degmadaas ka tirsanaa.

Wararka ayaa sheegaya in tallaabadan shaqada looga joojiyay xubnahan ay ka dambeysay weerarkii ay Al-shabaab ku qaadday bishan horraanteedii Jaamacadda Gaarisa, halkaasoo 148-qof dad ka badan lagu dilay.

Sidoo kale, wararku waxay intaas ku darayaan in saraakiishan iyo madxda shaqada laga eryay lagu eedeynayo inay suurogal ahayd inay ka war-hayeen weerarkii Al-shabaab ay ku qaadday Jaamacadda Gaarisa.

Guddoomiyihii Gaarisa, Njenga Miiri ee shaqada laga joojiyay ayaa madax ka ahaanjiray deegaanka xeebta ku yaalla ee Lamu, halkaasoo Al-shabaab ay horay ugu qaaday weeraray ay ku dishay 60-qof dad ka badan.

Ugu dambeyn, xukuumadda Kenya ayaa dhowrkii toddobaad ee u dambeeyay qaaday tallaabooyin ay uga jawaabayso weerarkii Jaamacadda Gaarisa lagu qaaday, iyadoo xaryiaad kusoo rogtay xawaalado xisaabaadyo lacageed.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Onlin
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya