4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Apr 22, 2015
MADAXWEYNE XASAN SHIIKH: Ururka ISIL waa Dambiilayaal ka soo Hor-jeeda Il-baxnimada


Arbaco, Abriil 22, 2015 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa cambaareeyay dilkii ay kooxda ISIL ka geystay dalka Libya kaasoo ay ku dishay in ka badan 20-qof oo masiixiyiin ah; kana soo jeeda dalka Itoobiya.

Toogashada dadkan Itoobiyaanka ah oo dhacay 19-kii bishan Abriil ayaa ka dhacay Barqah iyo Fazzan oo Bariga iyo Koonfurta dalka Liibiya ku yaalla, iyadoo dadkan ay noqonayaa kuwii ugu badnaa ee ajnabi ah oo lagu dilo dalka Liibiya.

“Dowladda Federaalka Somalia waxay si adag u cambaareynaysaa falkan waxuushnimada ah. Falkan ay ku kacday argagixisada waa dembi weyn oo bahalnimo ah. Falkan waa burcadnimo la huwiyay magaca fikireed aan waxba ka jirin. Waxaa cad in kooxda ISIL ujeeddadeedu tahay oo keliya inay faafiso fariin waxashnimo iyo dhibaateynta dad aan waxba galabsan. Waa dambiileyaal kasoo horjeeda il-baxnimada; waa bahallo quuta dhiigga wiilasheenna iyo gabdhaheena,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh.

Sidoo kale, madaxweynaha Somalia ayaa sheegay in argagixisanimada ay tahay khatar caalami ah oo u baahan in si wadajir ah waajib la isaga saaro sidii loola tacaali lahaa. Wuxuuna intaa ku daray in Soomaaliya oo ah dal ay waxyeello uu kasoo gaarey falal argagixisonimo ay si dhow ula shaqeyn doonto beesha caalamka si loo burburiyo kooxaha argagixisada.

“Xukuumada Somalia waxay ballan-qaadeysaa waajibaadka ka saaran la shaqeynta dallaka Afrika, isla markaana aysan aqbali doonin in kooxaha argagixisada ay gabbaad ka dhigtaan. Waxaan u taagan-nahay in dalalaka Afrika aan kala shaqeyno baahida sugidda amniga,” ayuu mar kale yiri Xasan Sheekh.

Ugu dambeyn, madaxweynha Somalia wuxuu xusay inay garab-taagan yihiin mabaadii’da caalamiga ah ee dhowrista xorriyadda, ka hortagga tacadiyada, taageerada ku dhaqanka sharciga iyo xuquuqda aadanaha.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Onlin
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya