4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Apr 21, 2015
FAAHFAAHIN: Khasaarihii dagaalkii ka dhacay Taleex & dagaalkii oo iskii u istaagay (SAWIRRO)


Talaado, Abriil 21, 2015 (HOL) — Dagaalkii aroortii saaka ka billoday degmada Taleex ee gobolka Sool ayaa joogsaday, iyadoo aysan jirin cid dhex-gashay laba beelooda ee dagaalku dhex-marayay.

Khasaaraha uu dagaalkan sababay ayaa la sheegayaa inuu marba marka ka dambeysa soo kordhayo, waxaana wararku sheegayaan inay lix ruux ku dhintay, kuwaasoo dhamaantood ah labada dhinac ee dirirtu dhex-martay, halka weli aan lahayn dhaawaca oo la sheegay in labada dhinac iyo shacabka ay gaareen dhaawacyo kala duwan.

Madaxda dhaqanka, Cuqaasha iyo Culummada Diinta ee magaalada Buuhoodle ayaa baaq nabadeed u diray labada beelood ee colaaddu u dhexayso. Garaad C/risaaq Garaad Soofe ayaa sheegay inay u dirayaan ergo hawshaas wax ka qabata; isagoo xusay inay inta ay soo socdaan ay uga digayaan labada beelood inay ka digtoonaadaan inay dagaalamaan.

Ugu dambeyn, dagaalkan ayaa daba-socda colaado soo noq-noqtay sanadihii lasoo dhaafay, inkastoo dhowr jeer oo hore la dhameeyay; balse ay dib u soo laabeen, iyadoo la sheegayo in ciidammo badan oo labada dhinac ah ay ku qul-qulayaan magaalada Taleex.

Seynab Cabdi Warsame, Hiiraan Online
[email protected]
Laascaanood, Gobolka Sool