4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Apr 21, 2015
Muslimiinta Kenya oo ka Hadlay Weerarrada Kenya iyo Dib u Celinta Qoxootiga Dhadhaab


Talaado, Abriil 21, 2015 (HOL) — Mashaa’ikhda Muslimiinta Kenya oo shir ku yeeshay magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya ayaa shaaciyay in weerraradii ugu dambeeyay ee ka dhacay gudaha Kenya ay sabab u yihiin habac-sanaanta hay’adaha ammaanka iyo musuq-maasuqa ku baahay dhamaan hay’adaha dalka Kenya.

“Dhacdooyinkii ugu dambeeyay waxay muujinayaan habac-sanaan dhinaca ammaanka ah, waxaana muuqanaya musuq-maasuq hay’adaha dowladda ay sabab u yihiin inuu amnigu faraha ka baxo, dowladda ayaana laga rabaa in ay xakameyso arrimahan oo dhan,” ayuu yiri Sheekh Maxamed Shakuul oo ku hadlay magaca culummada muslimiinta Kenya.

Sheekh Shakuul oo madasha ka akhriyay war-saxaafadeedka ay shirkooda ka soo saareen ayay eedeyn kulul ugu jeediyeen Al-shabaab oo ay xuseen in weerarkoodii Jaamacadda Gaarisa uu ahaa inay iska hor-keenaan muslimka iyo masiixiyiinta kuwada nool Kenya, isagoo shacabka Kenya ugu baaqay in ay ka digtoonaadaan arrintaas.

“Waxaan ugu baaqaynaa shacabka dalka Kenya inay ogaadaan ujeeddada dhabta ah ee laga leeyahay weerarkii Gaarisa ka dhacay inuu ahaa mid loola jeeday inay shacabka Kenya ay isku laayaan Muslimiin iyo masiixiyiin, shacabkan oo muddo qarniyo ah nabad kuwada noolaa,” ayuu mar kale yiri Sh. Shakuul.

Dhanka kale, culumada Kenya ayaa kasoo horjeestay waxay ugu yereen Damaca dowladda Kenya ay ku doonayso inay ku xirto xeryaha Qaxootiga Dhadhaab-Kenya, iyagoo ka digay dhibaato bani’aadamnimo oo arrintaas ka dhalan karta haddii ay Kenya ku dhaqaaqdo.

“Waxaan kasoo horjeednaa qorshaha ay dowladda Kenya ku dooneyso inay si khasab ah dib ugu celiso qaxootiga Soomaaliyeed ee ku nool xeryaha Dhadhaab-Kenya. Haddii ay dowladdu arrintaas ku dhaqaaqdo waxay keenaysaa xaalad bani’aadamnimo oo daran,” ayaa war-saxaafadeedka lagu yiri.

Ugu dambeyn, shirka culummada oo arrimo fara badan looga hadlay ayaa waxaa dowladda Kenya loogu baaqay inay si aad ah uga taxa-darto fal-celinteeda marka ay weerarro gudaha Kenya ka dhacaan oo ay iska-ilaaliso ku xad-gudubka dadweynaha Soomaaliyeed iyo kuwa muslimiinta ah oo aan sharciga lagu xad-gudbin.

Hadalka ay culummada muslimiinta Kenya kasoo saareen shirkooda magaalada Nairobi ka dhacay ayaa imaanaya iyadoo horraantii bishan ay Al-shabaab weerar ku qaaday dhismaha Jaamacadda Gaarisa, halkaasoo ay ku dileen 148-qof oo u badan ardaydii wax ka baranayay Jaamacaddaas.

Si kasta ha ahaatee, dowladda Kenya ayaa weeararkii Gaarisa awgiis u xirtay xisaabaadyada 86-qof oo Soomaali u badan, kuwaasoo ay ku jiraan culummo si weyn looga yaqaan dalka Kenya iyo sidoo kale 13-xawaaladood oo ay Soomaalidu ku leeyihiin Nairobi.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Onlin
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya