4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Apr 21, 2015
Hay’ada HIJRA oo beeraleyda Baydhabo siisay Tababar ku saabsan Aqoonta Beeraha (SAWIRO)


Talaado, Abriil 21, 2015 (HOL) — Hay’adda HIJRA ayaa beeraley tiradoodu gaaraysa ku dhawaad 600 ugu qabtay Baydhabo tababar aqoonta beeraha iyo wax-soo-saarka habka ugu wanaagsan ee abuurka beeraha, waxayna ka kala yimaadeen beeraleyda tababarka la siiyay tuulooyinka ka tirsan gobolka Bay sida; Lawiile, Makuudo, Buulo-uusin, Buulo-jadiid, Galan-garasle Goof-gaduud-shabeelloow, Deynuunaay, Dheg-loole iyo Duurow.

Tababbarkan oo weli socda ayaa waxaa maanta loosoo gaba-gabeeyay beeraley ka socday laba ka mid ah tuulooyinkaas sida; Makuudo iyo Lawiila. Tababarka ay waddo hay’adda HIJRA ayaa waxaa bixinayay macallimiin khibrad u leh Beeraha.

Sidoo kale, beeraleyda ayaa waxaa la baray habaka ugu fiican ee qodashada beeraha sida; saf-saf u abuurashada, doorashada abuurka, dalag-bedelka (Crop Rotation), habka cayayaanka iyo cudurka looga hortago, xiliga miro goosashada iyo keydinta iyo suuq-geynta, iyadoo si toos ah loo tusay, waxaa kaloo casharrada ka mid ahaa sida loo sameeyo xanaaneynta khudaar iyo sida kushiinnada loo sameeyo.

Hay’adda Hijra ayaa in muddo ah taakuleynaysay dadka beeraleyda ah ee gobalka Bay, waxyna horay u tababartay fidiyaasha tuulooyinka Baydhabo hoos-yimaada, kuwaasoo cilmigii ay barteen sii bari doonaa beeraleyda kale ee aan fursaddan oo kale helin.

Ugu dambeyn, madaxa hay’adda HIJRA, Cusmaan Idiris oo gaba-gebadii tababarkii loosoo xiray beeraleyda labada tuulo ee Makuudo iyo Lawiile ka hadlay ayaa sheegay in aqoontii la baray ay la tagaan tuulooyinka si ay ugu faaideystaan beeraleyda kale; waayo aqoonta waa mid beeraleyda muhiim u ah.

Hiiraan Online, Baydhabo