4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Apr 21, 2015
DHAGEYSO: Soomaaliya, Kenya iyo UNHCR oo Guddi u Saaray Dib u Celinta Qaxootiga Somalia


Talaado, Abriil 21, 2015 (HOL) — Wadahadal saddex-geesood ah oo maanta ay Nairobi ku yeesheen dowladaha Somalia, Kenya iyo Hay’ada Qaramada Midoobay u qaabilsan Qaxootiga ee UNHCR, ayaa soo gaba-gaboobay waxaana ay dhinacyadaas isku af garteen in la dhiso guddi afar xubnood ka kooban oo sii amba-qaadi doono wada hadaladaas.

Guddiga ay isku raaceen dhinacyadaas, ayaa waxaa sidoo kale la sheegay inuu ka shaqeyn doono dib u celinta qaxootiga Soomaaliyeed ee ku dhaqan xerooyinka Qaxootiga Dhadhaab, ayadoo wararka qaarna ay tibaaxayaan in guddigaas afarta xubnood ee uu k kooban yahay, ay ka kala imaan doonaan Dowlada Somalia, Kenya, UNHCR iyo waliba xubin matali doonto Qaxootiga Soomaaliyeed.

Kulankii maanta oo ay wada qaateen Wasiirka Arrimaha dibadda Somalia, C/salaam Cumar Hadliye, Wasiirka Arrimaha dibada Keny Aamina Maxamed Jabriil iyo waliba Masuul ka tirsan Hay’ada UNHCR, waxaana uu daba socday shir, shalay ku dhex maray magaalada Nairobi; Ra’iisal Wasaaraha Somalia Cumar Cabdirashid Cali Sharmaarke iyo Madaxweyne ku xigeenka Kenya William Ruto oo ay oga hadleen xiriirka labada dal iyo arrimaha ammaanka.

DHAGEYSO: Wargeysiga uu Wasiirka Arrimaha Dibadda Somalia siiyay BBC-da

Dhanka kale, Kenya ayaa 11-kii bishaan waxey ku amartay hay’adda UNHCR inay muddo saddex bilood ah ku xirto Xerada Qaxootiga Dhadhaab oo ay Soomaali badan ku dhaqan yihiin. Waxeyna sidoo kale dowlada Kenya ay joojisay shaqadii ay Kenya ka hayeen 13-xawaaladood oo ay ganacsato Soomaaliyeed lahaayeen, waxayna kaloo fariisisay xisaabaad ay bangiyada Kenya ku lahaayeen Soomaali badan.

Si kastaba ha ahaatee, kulankaan dhex maray dowladaha Soomaaliya, Kenya iyo UNHCR, ayaa wuxuu imaanayaa ayadoo Qaxootiga Soomaaliyeed ee ku dhaqan wadanka Kenya ay dhawaanahaan la kulmeen dhibaatooyin kala duwan, isla markaasna la sheegay in illaa 80-oo qaxooti ah ay dib ugu noqdeen dalkooda.

Najah Mohamed Ali, Hiiraan Online
[email protected] | [email protected]
Nairobi – Kenya