4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Apr 21, 2015
Guddida Doorashooyinka Somaliland oo oo ku dhawaaqay xilliga ay Dhacayso Doorashadda SL


Talaado, Abriil 21, 2015 (HOL) — Guddiga doorashooyinka Somaliland ayaa sheegay inay madaxweynaha u gudbiyeen wakhtiga rasmiga ah ee ay u qorsheeyeen inay dalka doorasho ka dhacdo, kuwaasoo u mudeeyey kowda June 2016-ka.

Toddobada xubnood ee guddida doorashooyinku ka kooban yahay ayaa sheegay inay xilliga doorashada madaxtooyadda iyo wakiiladdu dhacayso ay u jaan-gooyeen 01-da June 2016; taasoo u dhiganta inay muddo sanad ah loo kordhinayowakhtiga xukuumadda madaxweyne Siilaanyo.

Sidaasna waxay ka sheegeen kulan ay maanta la yeesheen golaha Wakiiladda oo ay uga xog waramayeen sida hawshu u socota iyo goorta u asteeyeen doorashadda, waxaana halkaasi su’aallo ku waydiiyey xildhibaanadda.

“Komishanka doorashooyinku waxa uu maanta golaha u hor yimid si uu uga xog waramo wixii u qabsoomay mudaddii aanu xilka haynay, waxaanu madaxweynaha xalay u gudbinay in doorashadda madaxtooyadda iyo Wakiiladdu dalka ka qabsoomi doonto bisha 01, June 2016-ka,” ayuu yiri gudoomiyaha guddidda Doorashooyinka Cabdiqaadir Iimaan.

Si kastaba ha ahaatee, Madaxweyne Siilaanyo ayaa la filayaa inuu isna u gudbiyo wakhtiga Guddida doorashoyinkau soo cayimeen golaha guurtida si xilligaas ugu daraan xukuumadda, isla markaana u kordhiyaan.

Asxaabta Qaranka ee doorashadu khusayso ayaa soo dhaweeyay qorshahan Komishanku soo bandhigay, balse Mudaneyaal kuwa Muxaafadka ah oo Komishanka su’aalo waydiiyay ayaa ku dooday inaan Komishanku sharci u lahayn cayimida wakhtiga doorashada balse ay tahay arrin guurtida u taala.

Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland