4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Apr 21, 2015
Dagaal Khasaare badan dhaliyay oo ka Socda Bartamaha Degmada Taleex ee Gobolka Sool


Talaado, Abriil 21, 2015 (HOL) — Dagaal xooggan oo la isku adeegsanayo noocyada kala duwan ee hubka ayaa ka socda magaalada Taleex oo ka tirsan gobolka Sool oo qiyaas 175-KM dhinaca Bari kaga beegan magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

Dagaalkan oo u dhexeeya laba beelood oo wada-dega magaaladaas ayaa billowday 06:00 subaxnimo ee saaka oo Talaado ah; weli wuxuu ka socdaa bartamaha degmadaas sida uu HOL u sheegay, Maxamed Faarax oo ka mid odayada Taleex.

“Rasaasta ayaa weli laga maqlayaa gudaha degmada, waxaan arkay laba nin oo meyd ah; dhaawac badanna ayaana jira. Dagaalku weli waa socdaa mana sheegi karo dhimashadu inta ay le’eg tahay;" ayuu HOL u sheegay Maxamed Faarax.

Sidoo kale, dagaalka ayaa haatan ka socda dhinacyada daaraha caanka ah ee Daraawiishta, waxaana rasaasta ugu badan oo laga maqlayaa Qalcadda Silsiladaha ah.

Ugu dambeyn, waxaa socda dadaallo badan oo lagu doonayo in lagu hakiyo colaadda, balse laguma weli laguma guuleysan in la joojioy dagaalka, iyadoo dhanka kale ay soo baxayaan baaqyo ka imaanaya deegaano kala duwan; kuwaasoo lagu dalbanayo in gacan-ka-hadalka la joojiyo.

Wixii warar ah ee kasoo kordha dagalka waxaad kula socon doontaan wararka HOL ee soo socda haddii ALLE ogolaado.

Seynab Cabdi Warsame
[email protected]
Laascaanood, Gobolka Sool