4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Apr 21, 2015
Madaxweynihii la doortay ee Waddanka Masar oo Maxkamadi ay ku Xukuntay 20-sano oo Xabsi ah


Talaado, Abriil 21, 2015 (HOL) — Madaxweynihii sida dimuqraadiga ah lagu soo doortay ee dalka Masar, Maxamed Mursi oo tan iyo markii xukunka laga tuuray xukunka sannadkii 2013-kii xabsi ku jiray ayaa lagu xukumay 20-sano oo xabsi ah.

Maxkamadda xukunka ridday oo ku taalla Qaahira ayaa lagu wadaa inay ka gaarto go’aan kama dambeys ah dambiyo kala duwan oo madaxweynihii hore ee dalka Masar loo haysto, kuwaasoo ay ka mid yihiin basaasnimo.

Sidoo kale, waxaa iyana dacwado kala duwan loo haystaa tiro ka mid ah ururka Ikhwaanul Muslimiin oo uu ka tirsan yahay Mursi, kuwaasoo lagu soo eedeeyay inay dileen wariye iyo shacab dibadbaxyo ka qayb-qaadanayay, kaddib isku-dhacyo dhexmaray iyaga iyo kooxo kale oo kasoo horjeeda.

Boqollaal ka tirsan taageerayaasha Akhwaanul-muslimiin ayaa lagu xukumay dil toogasho ah, kooxdaas waxaa mamnuucay madaxweynaha millateriga ah ee Masar C/faraax Al-Sisi. Ikhwaanku waxay madaxweynaha milateriga ah ee Masar ku eedeeyeen inuu nidaamka caddaaladda u isticmaalayo sida hubkii.

Xukunka lagu riday Mursi ayaa imaanaya xilli madaxweynaha dalka Turkiga, Recep Tayyip uu ugu baaqay madaxweynaha Masra Al-Sisi inuu xabsiga kasii daayo Mursi si ay dib ugu soo celiyaan xiriirkoodii horay u go’ay.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Onlin
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya