4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Apr 21, 2015
Somalia, Kenya iyo UNHCR oo dib u billaabayo Wada-hadaladii dib u celinta Qaxootiga Somalida


Talaado, Abriil 21, 2015 (HOL) — Dowladda Kenya ayaa maanta lagu wadaa iney marti galiso wada hadal saddex geesood ah oo u dhaxeeyo dowladaha Soomaaliya, Kenya iyo Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Qaxootiga ee UNHCR.

Wada hadaladaas Saddex geesoodka ah oo sanadkii aynu soo dhaafnay burburay kadib markii dowlada Somalia ay ku eedeysay Kenya iney si qasab ah ku celisay qaxooti Soomaaliyeed, ayaa maanta lagu wadaa in lagu gaaro heeshiis diiradda lagu saaraayo celin tabarucaad ah oo Qaxootiga Soomaaliyeed ay dib ugu noqonayaan wadankooda.

Sidoo kale wada-hadalkaan, ayaa wuxuu yimid kadib markii shalay ay Kenya ku kulmeen Ra’iisal Wasaaraha Somalia Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke iyo Madaxweyne ku xigeenka Kenya William Ruto, sida lagu sheegay war qoraal ah oo ka soo baxay xafiiska Madaxweyne ku xigeenka kenya.

“Wada hadalkaan waxaa lagu ogolaaday shir u dhaxeeyay Ra’iisal Wasaaraha Somalia iyo Madaxweyne ku xigeenka Kenya” ayaa lagu yiri war qoraal ah oo ka soo baxay xafiiska Ruto.

Ra’iisal Wasaaraha Somalia Cumar Cabdirashiid oo booqasho ku joogo wadanka kenya, ayaa lagu sheegay warkaas inuu kala hadlay Madaxweyne ku xigeenka Kenya, xiriirka u dhaxeeyo labada dal iyo waliba xaaladda ammaanka.

Cumar Cabdirashiid, ayaa ku sheegay kulankaan inuu yahay mid muhiim ah oo lagu sii wadi doono dhowritaanka xaquuqda ay leeyihiin qaxootiga soomaaliyeed, isla markaasna lagu kordhinaayo taageerada beesha caalamka ay siiso.

Dhanka kale Ruto, ayaa sheegay in heeshiskaan sadex geesoodka ah looga hadli doono arragtida lagu hubinaayo in qaxootiga Soomaaliya ay si habsami leh ugu noqdaan wadan-kooda.

Si kastaba ha ahaatee Madaxweyne ku xigeenka Kenya, ayaa horaantii bishaan hay’adda UNHCR u qabtay in mudo saddex bilood ah ay dib ugu celiso qaxootiga soomaaliyeed ee ku dhaqan xerooyinka Qaxootiga Dhadhaab ee ku yaalllo gobalka Waqooyi Bari Kenya, kadib markii ay dowlada Kenya ku eedeysay Xoogaga Al Shabaab iney ku dhuuntaan Xeerooyinkaas.

Ugu dambeyn Somalia, Kenya iyo UNHCR, ayaa 10 November 2013 waxey ku kala saxiixdeen magaalada Nairobi heeshiis saddex geesood ahaa oo ka koobnaa 30 qodob, oo uu ka mid ahaa in qaxootiga Soomaaliyeed aanan si qasab ah lagu celin karin balse la taageero kuwa u baahan iney iskood ay dib ugu noqdaan wadankooda.

Najah Mohamed Ali, Hiiraan Online
[email protected] | [email protected]
Nairobi – Kenya