4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Apr 21, 2015
DAAWO: Ciil-mooge oo ka Hadlay Higsiga 2016-ka iyo dhibaateynta Soomaalida Koonfur Afrika


Talaado, Abriil 21, 2015 (HOL) — Wasiirkii hore ee warfaafinta DF Soomaaliya, haddana ah guddoomiyaha xisbiga XIIS, C/llaahi Ciilmooge Xirsi ayaa wareysi uu siiyay Universal Tv uga hadlay arrimo badan oo muhiim ah oo ay ka mid yihiin; xaaladda uu dalka marayo, nidaamka federaalka ah, xisbiyada dalka kusoo kordhaya, saamaynta maamul-goboleedyada iyo weliba xaalada Soomaalida dalka Koonfur Afrika.

Ciil-mooge ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay muuqaallada iyo wararka laga baahinayo warbaahinta Caalamka; taasoo ku aadan tacadiyada loo geysanayo dadka Afrikaanka ah oo ay Soomaalidu ka mid yihiin ee dalka Koonfur Afrika ka socda, wuxuuna ku dheeraaday wangaagii loo sameyey xisbiga ANC oo matalayay dadweynaha madow ee xornimadooda u dagaalamayay, isagoo intaasi ku daray in maanta uu arkayo qaabka loogu abaal-guday.

DAAWO: Wareysiga uu Ciil-mooge kaga hadlay Arrimahan

Sidoo kale, guddoomiyaha xisbiga XIIS wuxuu ka hadlay Hiigsiga 2016-ka iyo ifafaalaha hadda muuqda ka siyaasi ahaan; isagoo farta ku goday lix qodob oo muuhim u ah in laga dhabeeyo Hiigsiga,

Ugu dambeyn, C/llaahi Ciil-mooge ayaa bogaadin iyo farriin u diray xubnaha baarlamaanka cusub ee maamulka Jubbaland iyo shacabka gobolladaas ku nool; wuxuuna si gaar ah ula hadlay ganacsatada kasoo jeeda Jubbaland iyo shacabka inay garab-is-taagaan dowladda hadda jirta; isla markaana ay dalka maal-gashadaan.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Onlin
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya