4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Apr 21, 2015
Xaflad lagu sagootinayay Boqor Burhan Boqor Muse oo lagu Qabtay Gobolka Minnesota (SAWIRRO)


Talaado, Abriil 21, 2015 (HOL) — Waxaa magalaada Minneapolis ee gobolka Minnesota toddobaadkan dhamaadkiisii lagu qabtay xaflad lagu sagootinayay Boqor Burhaan Boqor Muuse oo todobaadyadii lasoo dhaafay Minneapolis ku sugnaa.

Xafladda waxaa kasoo qayb-galay qaar ka mida wax-garadka, culumada iyo aqoonyahanka jaaliyadda Soomaaliyeed ee Minneapolis. Waxaana madasha joogay ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya, C/weli Sheekh Axmed safar ku jooga gobolka Minnesota ee dalkan Maraykanka.

Intii ay munaasabaddu socotay ayay jaaliyadda Soomaaliyeed u jeediyeen Boqor Burhaan hadallo dardaaran iyo duco ahaa. Waxay kaloo jaaliyaddu guddoonsiisay boqorka hadiyado xanbaarsan dhaqan iyo taariikhda. Sidoo kale indheer-garadkii xafladda ka hadlay waxay Boqorka ku dhiirri-geliyeen inuu u is-taago isku keenidda iyo nabadeynta ummadda Soomaaliyeed.

Xubnihii iyo odayaashii ka hadlay xafladda waxaa ka mida ahaa; Axmed Caddaawe, Siciid Xasan Jaamac, iyo C/qaadar Faarax Shire. Waxaa kaloo xafladda hadal dar-daar iyo dhiirri-gelin ahaa kasoo jeediyay Sheekh Yusuf Qaaddi oo ka mid ah culummada sida weyn looga yaqaan Soomaaliya oo isagu si gaar ah Boqorka ugu duceeyay.

Hala-buurkii munaasabadda kusoo bandhigay sugaanta waxaa iyagana ka mid ahaa Abwaan Dhaga-dheere, Maryan Sheekh Maxamaud iyo Caasho Buraan-burtooy.

Ra’iisul wasaariii hore ee Somalia C/weli Sheekh Axmed oo goobta hadal ka jeediyay ayaa salaan u jeediyay Boqorka iyo martidii xafladda kasoo qayb-gashay, isagoo si gaar ah ugu mahad-naqay intii soo agaasintay munaasabadda.

Ugu dambeyn, waxaa munaasabadda ka hadlay Boqor Burhaan Boqor Muuse oo si guud ugu mahad-naqay jaaliyadda Soomaaliyeed ee Minneapolis oo xaflado soo dhaweyn ah ku maamuusay toddobaadyadii uu joogay Minnesota.

Boqorku wuxuu ballan-qaaday inuu intii karaankiisa ah ka shaqeyn doono sidii uu isugu keeni lahaa ummadda Soomaaliyeed. Waxayna xafladdani u ahayd gabo-gabo 14 xafladood ay jaaliyadaha Soomaaliyeed ee Minnesota iyo Ohio ku maamusayeen Boqor Burhaan Boqor Muuse.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Onlin
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya