4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Apr 20, 2015
DAAWO: Wasiir ka tirsan Xukuumada Somalia oo digniin u jeediyay Xukuukmadda Somaliland


Isniin, Abriil 20, 2015 (HOL) — Wasiirka dekedaha iyo gaadiidka badda Soomaaliya, Nuur Faarax oo maanta wareysi siinayay Horn Cable TV ayaa ka hadlay shirkadaha shisheeyaha ah ee lagu wareejiyay dekedda Berbera ee Somaliland, isagoo digniin adag shirkadahaas u jeediyay.

Nuur Faarax ayaa xukuumadda Somaliland uga digay inuu dekedda maal-gelin shisheeye u bandhigo; isagoo ku tilmaamay dekeddaas hal irmaan oo laf-dhabar u ah dhaqaalaha iyo deegenaanshaha Somaliland; isla markaana aanay ogolayn.

"Maanta waxaa jirta in la boobayo dekedaha dalka, mana oran karo taasi waa maal-gashi lagu sameysanayo... innaga ayaana leh hubinta in tallaabooyinkan ay yihiin maal-gasho ay ka faa'iideyaan dadka Soomaaliyeed iyo inaysan ahayn... waana uga digaynaa inay falkaan oo kale ay ku kacaan maamullada gacanta ku haya," ayuu yiri wasiirka.

DAAWO: Muuqaal uu Wasiirka Dekedaha Somalia kaga Hadlayo Dekedaha Dalka

Sidoo kale, wasiirka dekedaha xukuumadda Somalia wuxuu Somaliland ugu han-jabay inay sharciga la tiigsan doonaan shirkadaha isku-dayaya inay la wareegaan dekedda magaalada Berbera.

Ugu dambeyn, eedeytan iyo hanjabaadan ayaa noqonaysa tii ugu horreysay ee uu wasiirka dekedaha Somalia u jeediyo Somaliland, iyadoo weli aysan ka jawaabin Somaliland eedda iyo digniinta kasoo yeertay wasiirka dekedaha xukuumadda federaalka Soomaaliya.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Onlin
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya