4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Apr 20, 2015
Maxkamadda sare ee ciidamada Xoogga Dalka oo Maanta Xukunno ku Ridday Askar (SAWIRRO)


Isniin, Abriil 20, 2015 (HOL) — Maxkamadda sare ee ciidamada qalabka sida ayaa maanta xukun isugu jira dil iyo xabsi ciidan ku ridday Askar ka tirsan ciidamada Soomaaliya, kaddib markii ay racfaan ka qaateen xukunno ay horay ugu riday maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada xoogga dalka.

Askarta xukunka lagu riday ayaa kala ahaa; Xiddigle Axmed Biyoole Xasan oo 35-jir ah iyo dable C/llaahi Cali Foox-foox oo aan maxkamadda aan la hor-keenin, iyadoo C/llaahi Foox-foox lagu xukumay 50-halaad oo geel ah, ahna diyadii marxuumad Aamino C/llaahi Siyaad iyo  Axmed Biyoole oo isna horay loogu xukumay in xabsiga laga sii daayo.

Guddoomiyaha maxkamadda sare ee ciidamada xoogga, Col. Liibaan Cali Yarrow ayaa ku dhawaaqay xukunka maxkamadda sare ay askartaan ku ridday maanta, isagoo yiri.

“Maxkamadda sare ee ciidamada waxay baabi’isay xukunkii maxkamadda darajada 1-aad ee ciidamada qalabka sida ay horay ugu ridday C/llaahi Cali Foox-foox oo maqane ah, waxaana lagu xukumay dil toogasho ah; kaasoo ah qisaastii marxuumad Aamino C/llaahi Siyaad. Sidoo kale xiddigle Axmed Biyoole Xasan oo 35-jir ah waxay maxkamaddu ku xakuntay 3-sano oo xabsi ciidan ah oo ah fakintii uu fakiyay dable, C/llaaahi Cali Foox-foox.”

Sidoo kale, maxkamaddu waxay Cabdullaahi Xasan Cadaan ku xakuntay dil toogasho ah oo ah qisaastii marxuum Rajab C/llaahi Maxamed oo ciidamada ka tirsanaa, waxaana taliyaha xabsiga dhexe la faray in xabsiga uu ku hayo labada qof ee la xukumay.

Ma ahan markii maxkamadda ciidamada ay xukunno ku ridaan ciidammo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya oo dambiyo lagu helay, sidoo kale waxay maxkamaddu dhawaan xukunno ku ridday xubno ka tirsanaa Al-shabaab.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Onlin
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya