4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Apr 20, 2015
SOMALILAND: Wasaarada Maaliyadda oo Wadda Qorshe Wax looga Qabanayo Sicir-bararka Taagan

Isniin, Abriil 20, 2015 (HOL) — Wasaaradda Maaliyadda, Baanka Dhexe, Shirkadaha Is-gaarsiinta ee Telesom iyo Somtel, Ganacsatada Qaadka iyo Sarriflayaasha, ayaa shir ka yeeshay sidii hoos loogu dhigi lahaa sicir bararka saameeyey noloshii qoysaska danyarta ah.

“Waxaanu kaga arrinsanay kulamo baryahan ba noo socday oo habeen iyo maalin ba ahaa sidii loo dajin lahaa Xaaladda Sarrifku Somaliland ku sugan yahay oo uu hadda doolarku kor u kacay. Markii dhan walba arrimaha laga eegay, muddana ka shaqaynaynay Waxaanu intayadani ba isku afgaranay in marka hore laga bilaabo labada Nidaam ee Zaad-ka iyo E-dahab oo ku shaqeeya hanaanka Dollarka, oo dadkuna jeebka kuwada sitaan oo wax ku iibsadaan, oo Shillin-kii Somaliland runtii aad cidhiidhi u galiyay inay u bedelaan shilin Somaliland”ayuu yidhi Guddoomiyaha baanka dhexe C/llaahi Xaaji Cali.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Somaliland Marwo Samsam Cabdi Aadan, ayaa sheegtay in loo baahan yahay in aan dalka gabi ahaanba laga isticmaalin lacagta Dollar, waxaana ka mid ahaa hadaladeedda “inta dollarku meesha sare gaadhay shirar aanu soo wadnay, ayaa ay ka dhalatay oo la isla gartay in shilinka Somaliland uu noqdo ka wax lagu iibsado haddii ay dukaan tahay iyo haddii ay E-dahab iyo Zaad tahay, waxa aanu umaddeena u sheegaynaa inay dollarka ilaawaan, dukaanka marka la galo odhanaya waa intaas oo dollar waa inuu Somaliland sheegaa dadkuna ay lacagteena gacanta ku sitaan, fadhigayaganina waxa uu astaan u yahay in lagu heshiiyey in Lacagta Somaliland la isticmaalo.”

Si kastaba ha ahaatee, waxa baryahan dambe cirka isku shareeray qiimihiii lacagta lagu kala sarifayey, taas oo saameeyey noloshii danyarta ee isticmaalayey lacagta Shilinta Somaliland, waxaany sicir bararka xaga sarifku keentay in qiimihii lacagta Somaliland hoos u dhac weyn keenay taas oo dadka danyarta ah lacagtooddu waxba u geyn wayday.

Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland