4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Apr 20, 2015
Biyo xireen loo sameynayo Meelaha uu ka fataho Webiga Shabeelle ee Beledweyne [SAWIRRO]


Isniin, Abriil 20, 2015 (HOL) — Duqa Beledweyne Cumar Aadan Deeqow [Cumar Baadi-yoow] ayaa HOL faahfaahin ka siiyay biyo-xireen loo sameynayo qaybaha uu wabiga dhex-mara Baladweyne fatahaadaha ka sameeyo, iyadoo durbaba qeyb ka mid ah biyo-xireenka la dhisay.

Waxaa uu sheegay in mashruucan uu yahay mid ay iska kaashanayaan maamulka degmada iyo Hiil Walaal [Jabuuti], waxaana uu intaa raaciyay in loogu-tagalay ama ujeedada laga leeyahay tahay oo kaliya in looga hortago fatahaada wabiga uu ku sameeyo xaafaddaha magaalada, kaa oo sababa barakaca kumanaan qoysas ah.

“Hadda waxaan soo dhameystirnay biyo xireenadii xaafaddaha qaar, kuwa kalana waa ay socdaan qorshuhu waxaa uu yahay in mashuuracan laga wadda fuliyo dhamaanba goobaha leys leeyahay wabiga fatahaad ayuu ka sameeyn karaa ayuu yiri'' Duqa magaalada Beledweyne Cumar Baadiyoow.

Cumar Baadiyoow ayaa u mahad-celiyay dowladda Jabuuti oo sida uu sheegay in marka laga soo tago howlaha nabad ilaalinta siddoo kale qeyb-weyn ka qaadata arrimaha sama-falka iyo dib-u-dhiska goobaha danta guud.

Waxaa kaloo uu sheegay in la guda-gallay xiligii roobka sidda daraadeed ka maamul ahaan ku howlan yihiin sidda ay wax badan uga qaban lahaayeen arrimaha la xiriira fatahaada uu inta badan sameeyo wabiga Shabeelle.

Dadka ku dhaqan xaafaddaha laga sameeyay mashuurcan biyo xireenka ah ayaa siweyn u soo dhaweeyay, iyagoo sheegay in tallaabadan ay wax weyn ka tari doonto yareynta wal-walkii ay ka qabaa in uu wabigu ku soo fataho xaafaddaha ay ku nool yihiin.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya