4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Apr 20, 2015
Kenya oo Shiikh Somali ah ku eedeeyay inuu maal-geliyay kooxihii Weeraray Jaam. Gaarisa


Isniin, Abriil 20, 2015 (HOL) — Wadaad Soomaaliyeed oo Kenyan ah ayay ku eedeeyeen ciidamad ka hortagga argagaxisada ee Kenya inuu ka mid ahaa xubnihii dhanka dhaqaalaha ku taageerayay kooxihii ka tirsanaa Al-shabaab ee weeraray horraantii bishan Abriil ay ku qaadeen Jaamacadda Gaarisa, halkaasoo lagu dilay 148-qof.

Ciidamada la dagaalanka aragagaxisada ee Kenya (ATPU) ayaa Isniintii ku bixiyay amar in la xiro Sheekh Xasan Mahad Cumar oo loo yaqaan Xasaan, kaasoo la xiray Jimcihii aan soo dhaafnay.

Sidoo kale, saraakiisha booliiska ayaa xusay in Sh. Xasaan u xiriir aad u dhow la leeyahay Sh. Maxamed Kano oo loo yaqaan Dul-yaddeyn oo ay ku eedeysay xukuumadda Kenya in uu ahaa maskaxdii ka dambeysay weerarkii lagu qaaday Jaamacadda Gaarisa.

Weli maxkamad lama horkeenin Sh. Xasaan iyo ruux kale oo maanta ay xabsiga dhigeen ciidamada amniga Kenya, kuwaasoo lagu magacaabo, Cali Xasan Guure oo ku eedeysan inuu ka mid yahay xubnaha dhaqaalaha ku taageera xoogaggii Gaarisa weeraray.

“Xasaan iyo Guure waa labada qof ee la rumeysan yahay inay ku taageeraan dhaqaale ar-gagaxisada Kenya soo weerara,” ayuu yiri dacwad-oogaha Kenya oo maanta la hadlayay warbaahinta Kenya.

Booliiska ayaa intaas ku daray in wadaadka Soomaaliyeed laga soo qabtay gurigiisa oo ku yaalla xaafadda Islii [Eastleigh] ee Nairobi, halka Guure isna maanta laga soo qabtay xarun ganacsi oo ku taalla Nairobi, iyadoo sidoo kale ay Kenya ku eedeysay 86-qof oo Soomaali u badan inay taageeraan Al-shabaab, balse weli lama horkeenin wax maxkamad ah.

Dukumiinti ay ATPU-da Kenya u gudbisay maxkamadda ayaa lagu sheegay in Sheekha iyo ruuxa lala xiray ee Guure lagu magacaabo ay xiriir dhow la leeyihiin xoogagga Al-shabaab ee ku sugan gudaha Kenya.

“Waxaanu rumeysannahay in Sheekh Cumar uu mas’uul ka yahay dhallinta Kenyanka ah ee gudaha Kenya looga qoro Al-shabaab. Laguna hayo dambbi kale oo ah inuu guriga ku haystay laba bam-gacmeed. Balse Guure waxaan rumeysanahay inuu isna lug weyn ku leeyahay qoridda Kenyaanka ku biira Al-shabaab,” ayuu dacwad-ooguhu ku sheegay qoraalka uu maxkamadda u gudbiyay.

Si kastaba ha ahaatee, ma ahan markii ugu horreysay oo ciidanka Kenya ay ku eedeeyaan Sheekh Xasaan inuu xiriir la leeyahay Xarakada Al-shabaab, waxayna u xireen horay isaga iyo xaaskiisa Fardowso Maxamed.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Onlin
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya