4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Apr 20, 2015
Ururka Wacyi-gelinta dhallinyarada ee Badbaado oo xusay Sannad-guuradiisii 1-aad (SAWIRRO)


Isniin, Abriil 20, 2015 (HOL) — Sannad-guuradii koowaad ee kasoo wareegtay markii la aas-aasay Ururka dhalinyarada ee Badbaado Team, ayaa shalay lagu qabtay magaalada Nairobi ee xarunta wadanka Kenya.

Xafladda oo ahayd mid si weyn loo soo agaasimay, ayaa waxaa ka qeyb galay masuuliyiin kala duwan iyo dad weyne fara badan, waxaana lagu soo bandhigay waxqabadkii ururkaas iyo waliba waxyaabaha uu higsanaayo.

Hussein fowzi oo ah agaasimaha guud ee Badbaado Team ayaa ka sheegay munaasabadaas sababihii ay u aas-aaseen kooxda, isagoona intaas ku daray in ujeeddada Badbaado loo dhisay ay ahayd in bulshada la isku keeno, sidoo kalana dhalinyarada looga wacyi-galiyo falalka xun xun ee saameyn karo mustaqbalkooda.

“Dhalinyaro isku tagtay, ayaa dhistay kooxda Badbaado waxaana ujeedada loo dhisay ay aheyd in lagu mideeyo Shacabka Soomaaliyeed meel kasto oo ay joogaan. Waxyaabaha faa’idooyinka leh ee bulshada aan u sameynana waxaan ku gaarsiyaan qaab muuqaal ah, anagoona ugu soo bandhigno Warbaahinta Bulshada ama Social Media-ha” ayuu yiri Fowzi.

Dhanka kale waxaa ka mid ahaa masuuliyiintii ka qeyb-galay munaasabada C/kariin Axmed Cali,  Wasiirkii horee Cadaaladda iyo Garsoorka dowlda Somalia; oo ku bogaadiyay kooxda Badbaado barnaamijyada wacyi-galinta ah ee ay wadaan.

DAAWO: FILIM DHIBAATADA TAHRIIBKA OO BADBAADO AY JISHAY

Captain Ahmed Elmi Gure Maamulaha Website-ka Hiiraan Online oo hadal ka jeediyay Munaasabadaas, ayaa ku nuux-nuuxsaday muhiimada ay leedahay in dhalinyaradu ay midoobaan, isagoona sheegay in Hiiraan Online ay taageereyso horumarinta dhalinyarada Soomaaliyeed oo dhibaatooyin kala duwan ay ku haystaan gudaha Somalia- loona baahan yahay in la garab qabto.

“Waxaan og-nahay in dhibaatooyin badan ay ku haystaan dhallinyarada Soomaaliyeed ee gudaha iyo dibada dalka, waxaana dhamaanteen nalooga bahan yahay in aan meel oga soo wada jeedsano sidii aan ogu taageeri laheyn dhalinyarada Soomaaliyeed in mustaqbalkoodu uu wanaagsanaado” ayuu yiri Maamulaha Hiiraan Online Ahmed Guure.

Caasho Axmed Cabdalla oo horay oga mid aheyd Xildhibaanada Somalia, Wariye Shukri Maxamed Afrah,  Fardowso Jaamac Yuusuf oo ah qof u dhaq-dhaqaaqo arrimaha bulshada iyo Cabdullaahi Shaashaale oo dhamaantood ka wada hadlay munaasabaas, ayaa waxey tilmaameen dhibaatooyinka ay leeyihiin Balwadaha, Tahriibka iyo Qabyaalada; waxeyna ugu baaqeen dhalinyarada hormuudka ka ah Kooxdaan iney sii laba jibaaraan dadaalkooda halka shacabka Soomaaliyeedna ay u soo jeediyeen, iney taageeraan howlaha ay qabaneyso kooxda Badbaado.

Ugu dambeyn, guddoomiyaha guddiga fulinta ee kooxda Badbaado C/llaa Aadan Kaneeco ayaa wuxuu HOL u sheegay iney horay u qabteen barnaamijyo badan oo wacyi-galin ah, kuwaasoo ay ka mid ahaayeen Isguursiga Soomaalida iyo Qowmiyadaha kale, Anshaxa la dhaqanka Bulshada iyo waxyeelada Muqaadaraadka.

Si kastaba ha ahaatee intii ay socotay munaasabaddaas ayaa waxaa lagu soo bandhigay bar-naamij muuqaal ah oo Kooxdaas ay ka diyaareeyn dhibaatooyinka uu Tahriibku u leeyahay dhalinayada Soomaaliyeed, kaasoo ay fekrado kala duwan ka dhibteen dadkii ka qeyb galay munaasabadaas.

Badbaado oo ah urur ay ku midoobeen dhalinyaro Soomaaliyeed oo ka dhisan magaalada Nairobi, ayaa waxaa la aas-aasay bishii April, ee sanadkii aynu soo dhaafnay. Waxeyna ka qeyb qaataan horumarinta iyo wacyi-galinta bulshada iyagoona gurmad taakuleyn ah horay u gaarsiiyay 150 Qoys oo Somali ah, kuwaasoo ku dhaqan Xerooyinka Qaxootiga Dhadhab ee ku yaallo gobalka Waqooyi bari Kenya.

Najah Mohamed Ali, Hiiraan Online
[email protected] | [email protected]
Nairobi – Kenya