4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Apr 20, 2015
PROF. JAWAARI: Waxaan ku boorrinayaa PL in aysan ku Niyad-jabin Weerarrada Argigixisada


Isniin, Abriil 20, 2015 (HOL) — Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya ahna ku simaha madaxweynaha Somalia, Maxamed Sh. Cismaan (Jawaari) oo ka hadlay weerarkii maanta ka dhacay Garoowe ayaa ugu baaqay shacabka iyo maamulka Puntland inaysan niyad-jabin weerarrada ay argigxisadu ka geysanayso deegaannadooda.

Jawaari ayaa sheegay inuu cambaareynayo weerarkii lagu dilay shaqaalaha ka tirsan QM, isagoo intaas ku daray in weerarkaas uu ahaa mid laga argagaxo oo dhibaato badan geystay.

“Mar walba waxaan xanuunka iyo murugada la wadaago shacabka iyo maamulka Puntland, anigoo ku hadlaya magaca madaxweynaha, kayga iyo kan xildhibaanada Somalia, waxaan si buuxda u cambaareynayaa weerarka argigixisada ah ee maanta ka dhacay gudaha Garoowe,” ayuu yiri Jawaari.

Sidoo kale, Jawaabtu wuxuu u tacsiyadeynayaa shaqaalaha iyo hoggaanka QM amigoo uga tacsiyeynayo geerida shaqaalihii ka tirsanaa waxaan doonayaa inaan dareensiiyo inaysan fulin ujeeddada ay argigixisadu ka lahayd weerarkan oo ah in la hor-istaago hormarka iyo gargaarka ay la garab-taagan yihiin shacabka Soomaaliyeed.”

Prof. Jawaari ayaa mar kale yiri. “Waxaan kaloon ku boorinayaa Qaramada Midoobay inay sii wadaan shaqadiina oo aysan saameyn falkan bahalnimo.” Isagoo u tacsiyeeyay ehellada dadkii ku dhintay qaraxii ka dhacay Puntland.

Ugu dambeyn, ku simaha madaxweynaha dowladda Somalia ayaa ugu baaqay hay’adaha amniga iyo hogaanka Puntland inay meel uga wada-jeestaan cadawgooda; isla markaana aysan niyad-jebin oo falalka argigixisonimo hor-is-taagin hormarkooda.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Onlin
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya