4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Apr 20, 2015
Garoon Casri ah laga Hirgeliyay Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan [SAWIRRO]


Isniin, Abriil 20, 2015 (HOL) — Galinkii danbe ee maalintii shalay ayaa si rasmi ah xarigga looga jaray garoon casri ah oo markii ugu horeysay noociisa oo kale laga her-galiyay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Garoonka oo lagu goglay rooga cagaaran ayaa lagu magacabaa Beledweyne Fitness Center, waxaana hergalintiisa iska kaashadaha dhalinyarro isku tagtay oo u istaagtay siddii ay uga shaqeyn lahaayeen hormarka gobolka.

Marka laga soo tago dhismaha garoonka waxaa uu siddoo kale uu leeyaha qeyb laga isticmaalo Internet-ka iyo qeyb dadka u soo daawasho taga iyo cayaartooyada intaba ka heli karaa Coffe ama noocyada kala duwan ee cabitaanka.

Waxaa xariga ka jaray guddoomiyaha Olanbikada gobolka Hiiraan C/kariin Xassan Cabdulle Qalaad [Yaani -Yaani] oo ka mahad celiyay dhismaha garoonka.

Waxaa siddoo kale munaasabada furitaanka goob joog ka ahaa qurbo joog iyo waxgaradka magaalada oo sheegay in tani qeyb ka tahay hormarada kala duwan ee uu gobolku sameynayo.

Bahda Sportiga ayaan iyaguna dhincooda sheegay in garoonkan oo wax badan ka tari doono baahida loo qabo in la hello garoomo casri ah oo ugu yaraan la jaan-qaadi kara kuwa dunida, madaama horay ay ugu cayaari jireen garoomo macmal ah oo ay gacmahooda ku fasheen.

Ugu danbeyntii, waxaa garoonka lagu furay cayaar kulul oo dhaxmartay kooxaha Buundo-weyn iyo Xaawo Taako waxaana ay 5-3 guusha ku raacday kooxda kubada cagta xaafadda Xaawo Taako.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya