4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Apr 20, 2015
Danjire Kay oo cambaareeyay weerarkii Maanta gaari ay lahayd QM lagula beegsaday Garoowe


Isniin, Abriil 20, 2015 (HOL) — Ergeyga Qaramada Midoobay ee Somalia danjire Nicholas Kay ayaa si adag u cambaareeyay weerarkii maanta ka dhacay Garoowe; kaasoo sababay dhimashada shaqaale ka tirsan hay’adda UNICEF iyo dhaawaca dhowr qof oo kale.

“Waxaan ka naxay weerarkii maanta Garoowe ka dhacay. Taasina waa mid caddeynaysa sida aan loogu aabo-yeelin nolosha dadka gargaarka Somalia iyo baahida horumarineed ee Soomaaliyeed ku howlan; waana wax aad u fool-xun oo laga xumaado,” ayuu yiri danjire Kay. 

Abaarihii 8:00-dii subaxnimo ee maanta ah ayaa qarax lagula beegsaday xarunta Puntland ee Garoowe gaari ay lahayd QM, Waxaana QM ay sheegtay inay tuhunsan tahay inuu qof is-miidaamiyay fuliyay, balse Al-shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarkaas oo ay ku dhinteen 10-qof oo ay ku jiraan laba qof oo Kenyan ah. 

“Weerarkani waa fal argagaxiso oo qaawan iyo isku-day loola dan leeyahay in lagu maja-xaabiyo horumarka ay Soomaaliya u qaadayso nabadda iyo xasilloonida,” ayuu hadalkiisa ku daray danjire Kay.

Isagoo sii hadlaya ayuu intaas ku daray. “Waxaan ammaan u soo jeedinayaa gurmadka deg-degga ah ee ciidamada ammaanka Puntland iyo shaqaalaha caafimaadka iyo dhammaan shaqaalaha QM ee Garoowe.” Wuxuuna intaas ku daray. “Waxaan jecelahay inaan ugu mahad-celiyo dadka iyo maamulka Puntland taageerada iyo walaaca ay nala qayb-sadeen.” 

Ergeyga ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoysaska iyo saaxiibada dadkii lagu dilay weerarkii Garoowe ka dhacay, kuwa dhaawacana waxaan u rajeynayaa caafimaad dhaqso ah.

Ugu dambeyn, danjire Nicholas Kay wuxuu xusay shaqaalaha QM ee Somalia ay sii wadi doonaan howlahooda ay ku caawinayaan Soomaalida, isagoo uga mahadceliyay shaqaalaha QM sida ay mar kasta ugu heelan yihiin howlaha ay ka hayaan Somalia iyadoo lagu jiro duruufo adag.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Onlin
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya