4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Apr 20, 2015
Madaxweynaha Somalia oo ka hadlay qarax lala beegsaday Maanta Shaqaale ka Tirsan UNICEF


Isniin, Abriil 20, 2015 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si kulul u cambaareeyay weerarka maanta loogu geystay shaqaalaha QM ee Garoowe ka dhacay.

Xasan Sheekh ayaa sheegay in weerarka lagu qaaday Qaramada Midoobay uu yahay mid lagu qaaday dadka iyo dalka Somalia, gaar ahaanna ubadka Soomaaliyeed maaddaama shaqaalaha la weeraray uu xilkoodu ahaa waxbarashada carruurta Soomaaliyeed.

Sidoo kale, madaxweynuhu wuxuu tacsi u diray eheleada dadkii lagu dilay weerarkii maanta ka dhacay Garoowe. Madaxweynuhu wuxuu si gaar ah tacsi ugu diray xoghayaha guud ee QM, Ban Ki-moon iyo madaxda dalalka ay u dhasheen shaqaalihii Qaramada Midoobay ee weerarkii maanta lagu dilay.

Madaxweyuhu wuxuu xusay inaan ummadda Soomaaliyeed illoobi doonin waxqabadka iyo taageerada Qaramada Midoobay iyo xubnihii naftooda u huray. wuxuuna ballan-qaaday in baaritaan deg-deg ah ay ciidammada ku sameeyaan weerarkaas; isla markaana Qaramada Midoobay lala wadaagi doono xogta, iyadoo gacna furan lagu soo dhaweynayo haddii ay QM dooneyso inay ka qayb-qaadato baaritaanka.

Ugu dambeyn, madaxweynaha Somalia wuxuu ku boorriyay Puntland gaar ahaan ciidanka ammaanka Puntland inay sii xoojiyaan feejignaantooda isla markaana aanay u dabcin arga-gaxisada oo hadda ku soo haray degaanno kooban, laguna daba jiro.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Onlin
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya