4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Apr 20, 2015
Shirkii Amaanka ee Urdun oo lagu Taageeray Dardar-gelinta Nabad lagu soo dabaalo Somalia


Isniin, Abriil 20, 2015 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Shiikh Maxamuud iyo madaxda Bariga Afrika ayaa maanta si qoto-dheer wadatashi uga yeeshay amniga Geeska Afrika iyo sida looga hortagi karo kooxo uu ugu yeeray argagaxiso.

Xasan Sheekh iyo madaxda Geeska Afrika ayaa waxaa shir maalin socday oo ka dhacay magaalada xeebta ku taalla ee Aqaba, ku casuumey Boqorka dalka Urdun boqor Cabdalla, si loo helo qorshe iyo tallaabo mideysan oo lagu ciribtirayo argagixisada.

Hoggaamiyeyaasha ayaa si gaar ah isku tusaaleeyay; iskuna raacay in Soomaaliya si gaar ah looga taageero dagaalka ay kula jirto kooxaha nabadda-diiddan oo qalqal-gelinaya amniga gobolka Geeska Afrika.

Shirkan maanta lasoo gunaanaday ayaa waxaa la isku raacey in argagixisonimada ay khatar ku tahay caalamka oo dhan, loona baahan yahay in si wadajir ah mas’uliyad la isaga saaro baabi’inteeda.

Shirkan waxaa kaloo kasoo qayb-galay wafdi ka socdey dalka Faransiiska.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Onlin
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya