4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Apr 20, 2015
MINNESOTA: Urur Gargaar oo qalab Caafimaad iyo Daawooyin u soo dirtay Somalia (SAWIRRO)


Isniin, Abriil 20, 2015 (HOL) — Ururka daryeelka Haweenka iyo Carruurta ee Dahraan ee xaruntiisu tahay magaaladda Minneapolis ee gobolka Minnesota ayaa kunteenar  iskugu jira daawooyin iyo qalab kale oo caafimaad u diray magaaladda Muqdisho, kaas oo loo qeybin doono Isbtaaladda dalka.

Qalabkan oo u badnaa daawooyin, sariiro iyo gawaarida cuuryaamiinta ayaa gaari doonaa Soomaaliya todobaadyada soo socda waxaana sida ay sheegtay Dahraan Muse Xaashi oo madax ka ah ururkaas qalabkan ka faa’iideysan doona dadka dan yarta ah, gaar ahaan dumarka uurka leh iyo carruurta.

“Waxaan rabaa in dadkeenu helaan adeeg caafimaad oo aad u sareeya, si loo bad-baadiyo dad badan oo daryeel  xumo u dhiman kara, gaar ahaan dumarka xaamilooyinka ah iyo caruurta” ayay tir Dahraan oo intaas raacisay.

“Sanadkii 2013 ayaan booqday Soomaaliya, waxaana ku soo arkay caafimaad darro aad halis ah, taas ayaana keentay inaan olole u sameeyo sidii loo hel lahaa qalab tayo leh iyo daawooyin intaba”

Cabdi Maxaay oo ka mid ah khuburada caafimaadka Soomaaliyeed ee ku nool gobolkan Minesota  iyo Sadiiq Warfaa oo ah guddoomiye ku xigeenka ururka quruba-joogta Soomaaliyeed ee GSD ayaa Dahraan Muuse uga mahadceliyay waqtigeed iyo kartida ay ku soo uruursay agabka caafimaad, wuxuuna sheegay in Isbitaalada wadanku ay aad ugu baahan yihiin qalabka nuucan  ah.

Dalmar Xaashi oo ka mid ah ganacsatada Soomaaliyeed ee  degan magaalada Minneapolis, kana  mid ah xubnaha jaaliyadda gobolka ayaa ku amaanay Dahraan dadaalka dheeraadka ah  ee u gar-gargaaridda muwaadiniinta Soomaaliyeed, wuxuuna sidoo kale jaaliyadda ka codsaday in la isku kaashado howlaha gurmadka caafimaad.

“Gacmo wada jir ayay wax ku gooyaan, dalkeena iyo dadkeenuna inaga ayay na sugayaan, waayo cid kale oo u maqan ma jirto” ayuu yiri Dalmar.

Suldaan Cusmaan Koofi oo ka tirsan Odayaasha Soomaaliyeed eek u nool Minneapolis ayaa ku baaqay in la taageero hey’adaha waxtarka u leh bulshada, gaar ahaan horumarinta carruurta iyo dumar.

Ururka Dahraan ayaa sidoo kale u mahadceliyay shaqsiyaad gooni ah oo gacan ku siiyay uruurinta qalabkan, kuwaas oo ay ka mid yihiin Ubax Jaamac iyo Deeqo Sheekh iyo muta-dawiciin kale oo qurbo-joog ah.

Faarax Blue, Hiiraan Online
[email protected]
Minneapolis, Minnesota