Jimco, Abriil 17, 2015 (HOL) — Wafdi uu hoggaaminaayo wasiirka shaqada iyo arrimaha Bulshada Soomaaliya, C/weli Ibraahim Shiikh Muudeey ayaa maanta gaaray dalka Kuwait, iyadoo wafdiga ay kusoo dhaweeyeen garoonka diyaaradaha Kuwait safiirka Soomaaliya u fadhiya Kuwait, C/qaadir Amiin Sheekh, la-taliyaha safaarada, Abiib Muuse Faarax oo ay wehliyaan wasiirka shaqada iyo arrimaha bulshada dalka Kuwait, ahna wasiir-u-dowlaha qorsheynta iyo horumarinta, Hind Sabeeh Al-Sabeeh iyo madaxda ururka shaqaalaha dalka Kuwait.
Wasiirka oo ay wehliyaan safiirka, mas’uuliyiin ka socoday ururrada shaqaalaha madaxa-banaan ee Somalia oo ay ka mid yihiin, Maxamed Ibrahim oo ah sii-hayaha xoghayaha guud ee xiriirka ururrada shaqaalaha Somalia (FESTU), guddoomiyaha isu-tagga shaqaalaha Soomaaliyeed (SCTU), Maxamed Cusmaan Xaaji oo ah labo urur shaqaale oo madax-banaan.
Wafdigan ayaa inta uu joogo dalka Kuwait waxaay kaga qeyb-geli doonaan shirka guud ee ururrada shaqaalaha Carabta oo berri ka furmi doono magaalada Kuwait, shirkaasoo socon doona 18-ka illaa 25-ka bishan Abriin 2015-ka.
Ugu dambeyn, shirka ayaa inta uu socdo waxaa looga hadli doonaa arrimo ay ka mid yihiin; horumarinta shaqaalaha iyo wax-soo-saarka dalalka Carabta iyo sidii loo xoojin lahaa is-kaashiga shaqo ee dalalka Carabta.
Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Onlin
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya