4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Sept 6 , 2014
GAAS: “Waan soo dhaweynaynaa Geerida Godane waxaanan u Aragnaa guul”


Sabti, September 06, 2014 (HOL) — Madaxwaynaha Puntland, Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay in dilka hoggaamiyihii Al-shabaab ay guul weyn u tahay Soomaaliya iyo caalamka, isagoo sheegay in Axmed Cabdi Ow-Maxamuud Godane uu ka mid ahaa tiirarkii colaadda Somalia iyo guud ahaan caalamka.

C/weli Gaas ayaa intaas ku daray in Axmed Godane uu ahaa mid dhibaatooyin kala duwan u horseeday dadka iyo dalka Soomaaliya, isagoo xusay in Puntland ay soo dhawaynayso dilkiisa.

‘’Puntland way soo dhaweynaysaa dilka Godane, waxaana hamblayo dilkaas ku aaddan u diraynaa cid walba oo gacan ka gaysatay,” ayuu yiri C/weli Gaas oo warbaahinta kula hadlayay xarunta Puntland ee Garoowe.

Isagoo sii hadlaya ayuu mar kale yiri. “Axmed Godane wuxuu ahaa ruux ugu weyn kuwa dhibaatada kawada Soomaaliya. Marka haddii uu Soomaaliya dhaafay waxaan is-leeyahay wax badan bay arrintaasi Soomaliya ka badalaysaa.”

Sidoo kale, dowladda Soomaaliya iyo maamulka Somaliland ayaa iyaguna soo dhaweeyay dilka hoggaamiyihii Al-shabaab, waxaana ay ku tilmaameen dilka Godane mid guul u ah.

Xarakada Al-shabaab ayaa waxay dagaal kula jirtaa dowladda Soomaaliya iyo maamulka Puntland, kaddib markii ay ku eedeeyeen inay dalka keeneen ciidammo shisheeye, ayna diiddan yihiin in dalka lagu maamulo Islaamka.

Axmed Godane oo loo yiqiin Sh. C/raxmaan Abuu-Zubeyr ayaa tan iyo 2008 wuxuu ahaa hoggaamiyaha Al-shabaab, isagoo dhowr jeer ka badbaaday is-ku-dayo la doonayay in lagu dilo.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya