4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Sept 6 , 2014
Dood-cilmiyeed uu marti ku ahaa Axmed C/salaam oo lagu Qabtay Minnesota


Sabti, September 06, 2014 (HOL) — Machadka Humphery ee Jaamacadda Minnesota ayaa shalay marti-galiyay dood cilmiyeed ku saabsan sidii ay qaaradda Afrika ku xallisan lahayd dhibaatooyinkeeda, waxaana dooda marti ku ahaa  safiirka Soomaaliya u fadhiya wadanka Ethiopia iyo midowga Africa Axmed C/salaam Xaaji Aadan.

Arrimaha ammaanka ee qaaradda  Africa, gaar ahaa Soomaaliya ayaa doodda ugu muhiimsanaa  wuxuu safiirku sheegay in dadka Soomaaliyeed laga doonayo inay iyagu marka hore ay xalistaan dhibaatooyinka ka taagan dalka,, isla markaana ay ka shaqeeyaan sidii loo soo celin lahaa xasilloonida, sharciga iyo kala dambeynta wadanka.

“Waa sax inaan caalamka taageero uga baahanahay, waayo dhibaato kasta kaligeen ma xallin karno, laakiin marka hore inaga ayaa nalaga rabaa inaan wax qabsanno, kaddibna  wixii aan ku filnaan weyno aan caawimaad u raadsano” ayuu yiri Axmed C/salaam oo intaas raaciyay

“Waxaa jira dhibaatooyin ay qaaraddu nala wadaagto iyo kuw gooni noo ah, waad aragteen hada inay dhaceen shirar dhow ah oo  madaxda Africa aysan u kala harin oo ka dhacay Kenya, Ethiopia, Mareykanka iyo Kuwait dhammaantoodna waxaa looga tashanayay qaabkii si wada jir ah wax looga qaban lahaa dhibaatooyinka guud ee qaarada sida qaxootiga, ammaanka iyo dhaqaalaha”

Ra'isu Wasaare ku xigeenkii hore Axmed C/salaam ayaa sheegay in baahida ugu badan ee xilligan Soomaaliya ka taagan ay tahay sidii loo heli lahaa ciidan Soomaaliyeed oo wadanka ammmaankiisa suga, wuxuuna sheegay in dadaalka ugu badan la galin doono sidii loo heli lahaa Ciidan qaran oo xoog leh.

Safiirku wuxu sheegay  in qaaraddu ay hada ku howlan tahay sidii ay u dhisan laheyd ciidanka “standby Forces” oo ah ciidan diyaarsan oo isla markiiba si deg deg ah uga howl gala meeshii looga baahdo, wuxuuna sheegay in taasi ay xal u noqon karto dib u dhacyada ku yimaada xalinta qilaafaadka ee dhinaca nabad ilaalinta.

Madaxa machadlka Humphrey ee Jaamacadda Minnesota Eric Schwarts ayaa safiirka ku soo dhaweeyay dooda, wuxuuna sheegay in wada hadalada nuuca ah ay yihiin kuwa muhiim u ah bulshada.

Machadka waxaa dooda la fududeeyay Maxamed Xuseen Gudbaaye, Cali Warsame iyo C/fitaax C/nuur, waxaana ka soo qeyb galay jaaliyadda Soomaaliyeed ee Minnesota, gaar ahaan ardayda jaamacadda kuwaas oo badankood su’aalo muhiim ah oo la xiriira xaaladda wadanka weydiiyay Safiir Axmed C/salaam.

Faarax Blue, Hiiraan Online
[email protected]
Minneapolis, Minnesota