4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Sept 6 , 2014
Maamullada jira oo looga digay inay hishiisyo la galaan Shirkadaha Shidaalka

Sabti, September 06, 2014 (HOL) — Wasaradda macdanta iyo batroolka ee xukuumadda Soomaaliya ayaa digniin u dirtay shirkadaha ajnabiga ah ee doonaya inay si sharci darro ah shidaal uga baaraan deegaanno ka mid ah Soomaaliya.

Maxamed Cali Nuur Xaaji oo ah sarkaal ka tirsan wasaaradda oo shir jaraa’id maanta ku qabtay xarunta wasaaradda ayaa sheegay in xukuumadda ay geli karto oo kaliya hishiisyada lagu baarayo macdanta iyo shidaalka isagoo ka digay in maamul goboleedyada dalka ay galaan heshiisyo aysan dowladdu la socon.

Sidoo kale sarkaalka ayaa ugu baaqay shirkadihii hore heshiisyada ula galay dowladdii dhexe inay dalka kusoo laabtaan oo hawshooda dar-dar galiyaan si ummadda Soomaaliyeed kheyraadkeeda uga faa’iidayso.

Mar uu ka jawaabayay su’aal ku saabsan in shidaal uu ku jiro dalka ayuu carabka ku dhuftay inay jiraan dhammaan astaamihii shidaal ee dhulalka la sahmiyay, sida ugu dhakhsiyaha howsha soo saarista shidaalka loo gelayo.

“Waxaan maanta ka hadlayo shidaal ma ku jiraa Soomaaliya ma ku jiraan mise kuma jiro ma ahan. Shidaal waa ku jiraa dalka waana soo saaranaynaa haddii Alle idmo. Taas inay ummadda Soomaaliyeed niyadda ku haysa ayaa loo baahan yahay. Mar dhowna in saboolnimada laga baxo ayaan rajo weyn ka qabnaa oo khayraadkeenna aan ka faa’iidaysanno,” ayuu yiri Xaaji.

Sarkaalka ayaa sidoo kale sheegay inay gacanta ku hayaan shuruucdii iyo xeerarkii shidaalka ee qeexayay sida dowladda dhexe iyo maamuladda federaalka ah u wadaagi lahaayeen macdanta iyo shidaalka la doonaayo in la soo saaro.

Mar la weydiiyay in gobollada ay heshiis iskood ah geli karaan shirkadaha ka shaqeeya baarista shidaalka iyo soo saaristiisa, ayuu sheegay in dowladda dhexe oo matasha dhammaan gobollada dalka ay mas’uul ka tahay wixii heshiis iyo shidaal baaris ah; laakiin ay jiraan wadahadal u socda dowladda iyo maamullada jira si cid walba looga qayb-galiyo talada iyo saameynta shuruucda.

“Soomaaliya sababta ay federaalka u gashay ma ahan in dalku uu dowlado yar-yar u kala go’o. Shidaalka dalka ku jirana waxaa leh shacabka, dowladda dhexe ayaana mas’uul ka ah,” ayuu Xaaji shirkiisa jaraa’id ku sheegay.

Waa markii ugu horreysay oo wasaaradda macdanta iyo bartoolka Somalia ay si cad u sheegto in maamullada dalka ka jira aysan si iskood ah heshiis shidaal baaris ah ula geli karin shirkado shisheeye, inkastoo aan la ogeyn jawaabta ay ka bixin doonaan maamullada dalka ka jira sida; Puntland.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya