4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Sept 6 , 2014
Amniga Muqdisho iyo Xarumaha Dowladda Somalia oo si aad ah loo Adkeeyay


Sabti, September 06, 2014 (HOL) — Ammaanka Muqdisho iyo xarumaha muhiimka ah ee dowladda Soomaaliya ayaa aad ah loo adkeeyay, kaddib markii wasaarada amniga Qaranka ay soo saartay digniin ku saabsan inay dhici karto in Al-shabaab ay weerarro aar-gudaan hoggaamiyahooda la dilay soo qaadaan.

Ciidanka booliiska iyo nabad-sugidda ayaa maanta lasoo dhoobay qaybo ka mid ah jidadka iyo isgoysyada waaweyn ee Muqdisho, kuwaasoo si aad ah ammaanka u adkeynayay, isla markaana baaritaan ku sameynayay gaadiidka gaarka loo leeyahay.

Baaritaanada ay ciidamadu sameynayaan ayaa waxaa barbar socday howlgallo ammaanka lagu adkeynayo, iyadoo waddooyinka laga dareemayay mashquul badan gaadiidkuna ay si aad ah buuxiyeen isgoysyada muhiimka ah ee caasimadda.

Sidoo kale xarumaha dowladda Soomaaliya oo ay ku jiraan wasaaradaha iyo laamaha kala duwan ee amniga ayaa si aad ah iyagana loo adkeeyay, waxaana la xiray waddooyinka hormara qaarkood, iyadoo ciidamadu ay feejignaan dheeraad ka muuqatay.

Wasiirka Amniga Qaranka, Khaliif Axmed Ereg oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ay dhici karaan weerarro argagixiso oo ay soo qaaddo Al-shabaab, kaddib dilkii Axmed Cabdi Godane.

Xarakada Al-Shabaab ayaan weli ka hadlin geerida hoggaamiyahoodii, balse xukuumadda Washington Mareykanka ayaa xalay si rasmi ah ugu dhawaaqay xalay in duqeyntii ay ka dhacday gobolka Shabeellada Hoose ku dileen hoggaamiyihii Al-shabaab.

Tan iyo markii ay Al-shabaab isaga baxday magaalada Muqdisho, waxay si joogta ah uga geysanayeen weerarro toos ah iyo kuwo qaraxyo ah, iyagoo sidoo kalena ka geystay caasimadda dilal qorsheysan.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya