4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Sept 6 , 2014
Diyaarad Rakaab oo Maanta Shil ku gaashay Garoonka Diyaaradaha Muqdisho


Sabti, September 06, 2014 (HOL) — Diyaarad rakaab oo ay lahayd shirkadda Jubba Airways ayaa maanta si lama filaan ah shil ugu gashahay garoonka diyaaradaha Aadan Caddee ee magaalada Muqdisho.

Diyaaraddan oo ka timid magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug ayaa siday 17-qof oo rakaab ah, iyadoo aysan jirin cid wax ku noqotay shilkan, waxaana loo sababeeyay shilkeeda cilad dhinaca lugaha ah.

Howlwadeenno ka tirsan garoonka diyaaradaha Muqdisho ayaa sheegay inay diyaaraddu dhulka ku dhacday, balse aysan jirin wax khasaare ah oo gaaray rakaabkii saarnaa iyo diyaaradda lafteeda.

Shilkan ayaa wuxuu ka mid noqonayaa shilal dhowr ah oo garoonka horay uga dhacay, iyadoo weli aysan ka hadlin shilkan diyaaradeed ee garoonka ka dhacay wasaaradda gadiidka iyo duulista hawada xukuumadda Soomaaliya.

Diyaaraddan ayaa nooceedu ahaa F50, waxayna duulimaadyo joogto ah ku tegi jirtay gobollada dalka, iyadoo sidoo kalena aysan ka hadlin shirkadda Jubba Airways shilka ay gashay diyaaraddooda.

Maamulka garoonka diyaaradaha Muqdisho ayaan isaguna weli shilkan ka hadlin, iyadoo ay tani imaanayso xilli howlaha garoonka ay si aad ah u soo kordhayeen sannadihii ugu dambeeyay, ayna kasoo dagaan maalin walba diyaarado caalami ah.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya