4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Sept 6 , 2014
Somaliland oo soo dhaweysay dilka Hoggaamiyihii Al-shabaab Axmed Godane

Sabti, September 06, 2014 (HOL) — Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Cali Maxamed Waran-cadde ayaa sheegay in sida uu caalamku u arko dilka hoggaamiyaha Al-shabaab u arkaan, isla markaana la fikir yihiin beesha caalamka.

Wasiirka oo shirjaraa’id oo uu kaga hadlayo Diiwaangelinta madaniga ah oo la waydiiyey sida ay u arkaan dilka hogaamiyaha Al shabaab Axmed Godane ayaa si kooban u sheegay inay  soo dhoweynayaan dilkaasi.

“Sida uu caalamku u arko ayaanu u aragnaa… Adduunka ayaana kala siman-nahay, qof kasta oo daalim  ahna waanu soo dhoweynaa in la dilo,” ayuu si kooban u yidhi wasiirka Arrimaha gudaha Somaliland Cali Warancadde.

Hoghaamiyihii Al-shabaab, Axmed Godane ayaa kasoo jeeda magaalada Hargeysa, isla markaana lagu xasuusto qaraxyo uu ka fuliyey magaaladda Hargeysa 2008 kii, waxaana maxkamada Hargeysa xukuntay isagoo maqan.

Dhanka kale, wasiirku wuxuu faahfaahin ka bixiyey diiwaangelinta shacabka Somaliland si loo kala saaro muwaadinka iyo qofka ajanabiga ah.

“Diiwaangelinta kaadhka dhalashadda waxa uu cadaynayaa in ay Somaliland iyo Somalia kala yihiin laba dal oo jaar ah, markii hore waxaynu haysannay taysaradii soomaaliya maanta hadii ayu ka goonay soomaaliya waxa aynu qaadanay kii Somaliland,” ayuu yidhi Waran-cadde oo ka hadlayey diiwaan-gelinta madaniga ah

“Hadaba Runtii waxaan la yaabanay Mucaaradka Somaliland oo yidhi yaan la diwaan galin dadka oo lasiin kaadhka dhalashada Somaliland,iyada oo sharciguna dhigayo haddii aanu qofku Somaliland u dhalan,hadda waa marka aynu ka hadlayo Somaliland ee aan laga hadlay Soomaaliya,waxa sharci ah qofka codaynaya doorashada inuu haysto kaadhkii jinsiyada dhalashada Somaliland,Somaliya waxa ka socota Diwaan galintii dhalashada oo koodii hore loo cusboonay siinayo uun,Waxaana ay qaramada midoobay baaq ugu direen Soomaaliya inaan muwaadiniinta Somaliland la diwaan galin, iyaga oo qaata mooyaane dhalashada  Soomaaliye Mooye” ayuu intaasi kudaray.

Wasiir Waran cadde ayaa dhaliilay hadallo ka soo baxay xisbiyada mucaaradka oo uu sheegay inay ka soo horjeedaan diiwaangelinta madaniga ah iyo in dalka laga hirgaliyo diiwaangalintaasi.

Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland