4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Sept 6 , 2014
Kenya oo sheegtay inay Xoojinayso Ammaanka dalkeeda kaddib dilkii Godane

Sabti, September 06, 2014 (HOL) — Madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta ayaa Sabtida maanta ah wacad ku maray dagaal Al-shabaab, si Kenya ay u noqoto amni, kaddib markii la xaqiijiyay dilka hoggaamiyihii Al-shabaab.

War-saxaafadeed uu soo saaray Uhuru kaddib geeridii Axmed Cabdi Godane, ayuu ku sheegay inuu Mareykanka uga mahadcelinayo dilkaas, kaddib markii la sheegay inuu ku dhintay hoggaamiyaha Al-shabaab duqeyn cirka ah oo ay fuliyeen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Mareykanka.

"Dhimashada Godane waxay dadka xusuusin doontaa hanjabaadihiisii ahaa in uu dadka ku layn doono seef,” ayuu yiri Kenyatta, waxaana uu warka uu soo saaray Kenyatta uu imaanayaa xilli Mareykanka ay xaqiijiyeen inuu ku dhintay hoggaamiyihii Al-shabaab duqeyntii Koonfurta Somalia ay Isniintii la soo dhaafay ka fuliyeen.

Godane ayaa la socday saddex gaari oo ay Mareykanku si toos ah u bar-tilmaameedsadeen, kuwaasoo ka yimid shir ay saraakiisha Al-shabaab ku lahaayeen deegaanka Hawaay ee gobolka Shabeellada Hoose, iyagoo ku sii jeeday degmada Baraawe oo ah xarun weyn oo ay gobolkaas ku leeyihiin.

Uhuru ayaa weerarkii Westgate Mall ee sannadkii hore dhacay oo ay si cad u sheegay mas’uuliyaddiisa Al-shabaab ku tilmaamay dambi weyn oo dalkiisa ay ka geysato koox argagaxiso ah.

"Kenya oo kaashanaysa saxiibbadeed iyo xulufadeeda waxay sameynaysaa wax walba oo ay awooddo si ay u xaqiijiso amnigeeda iyo kan gobolka. Innagoo garab istaagi doonnaa kuwii dhibaatadu kasoo gaartay weerarkii Westgate Mall oo uu mas’uuliyaddiisa sheegtay Godane," ayuu yiri Kenyatta.

Axmed Cabdi Ow-Maxamuud (Axmed Godane) oo loo yaqaan Sh. Mukhtaar C/raxmaan Abuu-Zubeyr ayaa la wareegay hoggaanka Al-shabaab kaddib dilkii Aadan Xaashi Cayroow, wuxuuna ahaa hoggaamiyaha ruuxiga ah ee kooxda.

Dalka Kenya ayaa waxaa sannadihii ugu dambeeyay ka dhacayay weerarro is-daba joog ah oo ay mas’uuliyaddooda sheegatay Xarakada Al-shabaab, kuwaas oo uu ka mid ahaa weerarkii Lamu oo ay ku dhinteen in ku dhow 100-qof.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya