4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Sept 6 , 2014
Shirar ka Socda Baydhabo iyo Bannaanbax dhici lahaa Maanta oo la Joojiyay


Sabti, September 06, 2014 (HOL) — Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya, Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa maalintii saddexaad kulammo kala duwan la leh odayaasha dhaqanka, waxayna kawada hadleeyn sidii loo mideyn lahaa fikradaha kala duwan ee ay kala wataan maamullada Koonfur-galbeed.

Mid ka mid ah odayaasha oo la yiraahdo, Malaaq Mustafa Sheekh ayaa HOL u sheegey in ay waan-waan socato arrimaha ay meel fiican marayaan ayna filayaan in is-afgarad uu dhaco.

Prof. Jawaari ayaa sidoo kale kulan la yeeshay xildhibaannada dowladda federaalka Soomaaliya ee kasoo jeeda Koonfur-galbeed kuwaasoo ka hadlay sidii loo mideyn lahaa xildhibaannada kala afkaarta ah iyo sidii loo dhisi lahaa maamul gobaleed la isku raacsan yahay.

Xildhibaannada kulankaas ka qaybgalay ayaa waxaa ka mid ahaa, Prof. Dhalxa, Shariif Xasan, Maxamed Ibraahim Xaaabsde, Sheekh Aadan Madoobe iyo xildhibaanno kale oo tiradoodu gaarayso 20 xubnood.

Dibadbax maanta ka dhici lahaa Baydhabo ayaa la joojiyay, kaasoo lagu taageeri lahaa maamulka lixda gobol ka kooban, iyadoo ay hor-istaageen xildhibaannada shirku ugu socda magaalada Baydhabo.

Hiiraan Online, Baydhabo