4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Sept 6 , 2014
Qaybinta Raashin Mucaawino ah o Maalintii Labaad ka Socda Buula-burte

Sabti, September 06, 2014 (HOL) — Wararka naga soo gaaraya degmada Buula-burte ayaa sheegaya in maalintii labaad mas’uuliyiinta maamulka gobolka Hiiraan iyo ciidammada midowgga Africa AMISOM ka waddaan degmada qeybta rashin gargaar ah oo ku deeqay madaxweynaha dalka Jabuuti.

Labadii cisho ee la soo dhaafay waxaa degmada ka socday diiwaan-galinta dadka ku dhaqan xaafaddaha degmada oo ugu danbeytii markii la soo gaba-gabeeyay la bilaabay in loo qeybiyo gargaarkii loogu talagalay.

Wariye ku sugan degmada ayaa inoo sheegay in qoyskiiba la siinayo raashin ka kooban Bur, Sokor, Bariis iyo Salaad oo qeyb ka ah gargaarka loogu tala-galay in lagu caawiyo dadka dhibaateysan.

Bixin raashinka ayaa waxaa qeyb ka qaadanaya siddoo kale ururada dhalinyarrada degmada oo is abaabulay, iyadoo qorshuhu yahay in qoys walba oo ku dhaqan degmada la gaarsiiyo deeqda raashinka ah.

Dhinaca kale, degmada ayaa lagu waramayaa in laga dareemayo dhaq-dhaqaaq xoog leh oo ganacsi, waxaana dib ugu noqonaya dadkii markii hore ka barakacay.

“Marka deeqdan loo qeybiyo dadka u baahan waxaa hubaal ah in qiimaha raashinka degmada uu siweyn hoos  ugu dhacayo, waayo waxaa dib suuqa u soo galli doona raashinka gargaarka ah ee la qeybinayo, oo marka uu suuqa soo gallo qiimo jaban lagu kala iibsan doono, ayuu yiri,” Cali Sugulle oo ka mid ah dhalinyarrada qeybta ka ah qeybta raashinka.

Degmada Buula-burte oo mudo dheer go’doon ugu jirta Al-shabaab ayaa hadda dadka ku dhaqan waxaa ay u muuqdaan kuwo dib u helay rajadii nolasha kaddib markii ciidammada xoogga dalka oo gacan militari ka hellaya kuwa AMISOM la wareegeen wadada dheer ee xiriirisa degmada iyo magaalada Muqdisho.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya