4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Sept 6 , 2014
Ciidamada Dowladda oo la Wareegay Deegaanno ka Tirsan Gobolka Bakool

Sabti, September 06, 2014 (HOL) — Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ayaa la wareegay tuulooyin hoostaga degmada Tayeeglow ee gobolka Bakool oo ay horay ugu sugnaayeen maleeshiyaadka Al-shabaab.

Howlgal ay si wadajir ah u sameeyay ciidamada xoogga dalka iyo AMISOM ayay kula wareegeen tuulooyinka Biyooleey, Sakaaroole iyo War-galoole oo Bari, Koonfur iyo Woqooyi kaga beegan Tayeegloow.

Col. C/llaahi Maxamed Ugaas oo ka tirsan saraakiisha ciidamada ee ku sugan Tayeeglow ayaa sheegay in dagaal ka dhacay tuulooyinkan ay ku dhinteen ku dhawaan toban ka tirsan maleeshiyaadka Al-shabaab, hub ay wateenna ay la wareegeen ciidamada isbahaysanaya.

Inkastoo Al-shabaab aysan weli ka hadlin howlgallada ay ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM kaga qabsadeen deegaannada ka tirsan gobolka Bakool, ayaa haddana waxay tani kusoo beegmaysaa xilli uu maalmo ka hor booqday degmada Tiyeeglow.

Maamulka gobolka Bakool ayaa sheegay in howlgalka ay ciidamadu maanta kula wareegeen deegaannada ka tirsan gobolka Bakool uu qayb ka yahay howlgalka Badweyne Hindiya ee ka socda gobollo ka tirsan Soomaaliya.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya