4/17/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Sept 6 , 2014
Wasaarada Amniga Qaranka oo u digtay mas'uuliyiinta dowladda & shacabka


Sabti, September 06, 2014 (HOL) —Wasaaradda Amniga ee Soomaaliya ayaa ka digtey weerarro aargoosi ah oo ay suurogal tahay in Ururka Al-shabaab uusoo abaabulo, weeraradaas oo jawaab u ah dilka Axmed Cabdi Godane oo Isniintii lasoo dhaafay ku dhintay duqeyn ka dhacday gobolka Shabeelada Hoose.

Wasiirka Amniga Qaranka Khaliif Axmed Ereg, ayaa ugu baaqay mas'uuliyiinta dowladda iyo dadka rayidka ahba in ay feejignaan dheeri ah muujiyaan, maadaama ay Shabaabku qorsheynayaan weerarro aargoosi ah.

Isagoo hadalkiisa sii wata, wuxuu Wasiirku intaas raaciyey in laamaha ammaanka iyo dhammaan ciidamada qalabka sida heegan sare la geliyey si ay uga hortagaan tallaabo kasta oo ammaanka liddi ku ah.

"Waxan ugu baaqaynaa umadda Soomaaliyeed ama mas'uuliyiitana inay foogjnaadaan iskana ilaalinayaan koxanaha nabd-diidka ah oo samayn kara weeraro naf la caarinimo ah...arrintaas dowladdu way ka diyaar garowday waxana heegan gelisey dhammaan ciidamada qalabka sida..." Khaliif Ereg ayaa sidaas yiri.

Ugu dambeyntii, Wasiirka Amnigu  wuxuu baaq u diray bulshada, isagoo ka codsaday inay laamaha ammaanka si joogto ah gacan uga siiyaan sugidda ammaanka iyo weliba sidii looga hortegi lahaa cid kasta oo nabadgelyada khatar gelin karta.

Warka ku saabsan dilka hoggaamiyaha Ururka Al-shabaab Axmed Cabdi Godane, wuxuu soo baxay Isniintii lasoo dhaafay [Sep 1, 2014] markaas oo diyaaradaha Maraykanku ay duqeeyeen goob ay ku sugnaayeen dhowr kamid ah saraakiisha sare ee Al-shabaab, taasoo ku dhow deegaanka Haawaay oo waqooyiga kaga beegan degmada Baraawe ee gobolka Shabeelada Hoose.

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online,
[email protected],
Garoowe, Soomaaliya