4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Sept 6 , 2014
Xukuumadda oo soo dhoweysey geerida hoggaamiyihii Ururka Al-Shabaab

Sabti, September 06, 2014 (HOL) —Xukuumadda Soomaaliya ayaa ka hadashay dilka hoggaamiyihii Ururka al-Shabaab Axmed Cabdi Godane, oo sida la xaqiijiyey lagu diley duqeyn ay diyaaradaha Maraykanku geysteen.

Ra'iisul Wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed, oo warbaahita la hadlay waxyar kaddib markii uu soo baxay warka sheegaya in la xaqiijiyey dhimashada Godane, ayaa ku tilmaamay guul usoo hoyatay Soomaaliya iyo caalamka oo dhan.

Wuxuu sidoo kale sheegay in dilka hoggaamiyaha al-Shabaab uu dhabar-jab ku yahay al-Shabaab, oo muddo sanado ah dagaal kala soo horjeedey Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Dhanka kale, Ra'iisul Wasaaruhu wuxuu baaq u diray dadka xubnaha ka ah al-Shabaab, isagoo ku booriyey inay dowladda isu soo dhiibaan, sheegayna in haddii ay sidaas yeelaan cafis loo fidin doono.

Ugu dambeyntii wuxuu sheegay in Dowladda Soomaaliya ay sii wadi doonto dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab, iyadoo ka faa'iidaysanaysa taageerada joogtada ah ee caalamku uu siiyo Soomaaliya.

"Xukuumadda Federaalka Soomaaliya go’aankeeda ku aaddan in la sii wado dagaalka ka dhanka ah argagixisada waa ay sii wadi doontaa, sidoo kale waxaan ka faa’iideysan doonnaa taageerada wadamada caalamka" ayuu yiri.

Axmed Cabdi Godane oo sidoo kale loo yaqaanay (Sheekh Mukhtaar Abu Zubeyr) wuxuu al-Shabaab soo hoggaaminayey lixdii sano ee lasoo dhaafay, ilaa iyo hadana ma jiro wax war ah oo ku aadan dilkiisa oo kasoo baxay dhanka al-Shabaab.

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Garoowe, Soomaaliya