4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 15, 2014
Ururka Shaqaalaha oo ka hadlay Qoraal uu soo saaray Maareeyaha Dekedda

Isniin, September 15, 2014 (HOL) — Isu-tagga ururrada shaqaalaha Soomaaliyeed ayaa war-saxaafadeed ay soo saareen maanta ku sheegay inay aad uga xun yihiin waxyaabaha ka dhacday dekedda Muqdisho, taasoo xadgudub loogu geystay muwaadiiniinta Soomaaliyeed ee madax u ah xoogsatada dekedda Muqdisho.

War-saxaafadeedkooda ayay ku eedeyeen maareeyaha dekedda oo warqad uu soo saaray maanta ku sheegay ku sheegay in guddoomiyaha xoogsatada dekedda Muqdisho laga mamuucy soo galidda dekedda.

“Qoraalka maareeyaha waxaa sabab u ah kaddib markii shalay kulan wada-qaateen maareeyaha dekedda iyo madaxda xoogsatada dekedda Muqdisho , uuna u sheegay fariin uu ka siday shirkadda Albarak ee howlaha dekedda lagu wareejiyay, taasoo ahayd inuu kiciyay buuq ku saabsan kulankii uu la yeeshay shalay maamulka dekedda,” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedkan.

Isu-tagga ururrada shaqaalaha Ssoomaaliyeed ayaa fal argagax leh oo aad looga xumaado ku tilmaamay shaqo ka joojinta lagu sameeyay madaxa guud ee xoogsatada dekedda Muqdisho iyo qaar ka mid ah xoogsatada ka shaqeeya dekedda.

“Falkaan waxaan u aragnaa inuu yahay sharci-darro iyo ku tumasho lagu sameynayo dastuurka dalka iyo xeerar hoosaadyada shaqaalaha Somalia u dagsan,” ayuu ururka isu-tagga shaqaaluhu ku sheegay qoraalkiisa.

Sidaas darteed waxaan rabnaa in aan umada soomaaliyeed u sheegno waxyaabaha ururka shaqaalaha xaqa u leeyahay iyo waxyaabaha dastuurka noo fasaxaayo.

“Qoraalka maareeyuhu soo saaray wuxuu ka horimaanayaa qodobka 24-aad ee dastuurka ee xiriirka shaqaalaha, kaasoo dhahaya; Qofka kasta wuxuu xaq u leeyahay inuu helo xiriir shaqo oo caadil ah. Qof kasta oo shaqaale ah  wuxuu xaq u leeyahay inuu abuuro, kuna biro urur shaqaale kana qaybgalo howlaha ururkaas,” ayaa ururka isu-taggu ku yiri warsaxafadeedkiisa.

Sidaas darteed waxaan ummadda Soomaaliyeed u caddeynaynaa inay tahay warqadda maanta uu soo saaray maareeyaha dekedda Muqdisho mid lagu caburinayo shaqaalaha, laguna rabo inaan loo doodin xuquuqda shaqaalaha aan loo doodin.

Haddaba Warqadda kasoo baxday Maareeyaha dekedda Muqdisho C/llaahi Cali Nuur ayaa waxay u qornayd sidan:

Massxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya