4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 15, 2014
Madaxweyne Xasan oo kulan la qaatay Qaar ka mid ah suxufiyiinta Muqdisho


Isniin, September 15, 2014 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sh. Maxamuud ayaa xarunta madaxtooyada kulan kula qaatay xalay qaar ka mid ah suxufiyiinta ka howl-gala Muqdisho iyo madaxdooda, waxaana kulankaan ka qayb-galay wasiirka warfaafinta, wasiirka garsoorka iyo xeer-ilaaliyaha guud ee dalka.

Wasiirka warfaafinta Mustafa Sh. Cali Dhuxulow oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay in wasaaraddu dadaal weyn u gashay sidii la isugu soo dhaweyn lahaa warbaahinta madaxa-bannaan iyo dowladda iyo xeerka saxaafadda ee golaha waasiirrada ay ansixiyeen.

Xasan Sheekh ayaa dhageysay warbixinno ay soo jeediyeen xubnihii ka kala socday warbaahinta madaxa-banaan, isagoo markaas kaddib ayuu Xasan ka hadlay muhiimadda warbaahinta, wuxuuna xusay in waddan aan lahayn warbaahin wadani ah uusan horumar gaari karin, dowladduna ay dadaal u galayso sidii wax looga qabanlahaa cabashooyinka suxufiyiinta.

Suxufiyiintii kulankaas ka qaybtalay ayaa madaxweynaha u sheegay inay ka xun yihiin dhibaatooyinka maalmahan dambe soo laalaabtay ee lagu hayo suxufiyiinta iyo xarumaha warbaahinta ee Muqdisho, iyagoo madaxweynaha ka dalbaday inuu wax ka qabto arrimahaas.

“Waxyaabaha aan kala hadalnay madaxweynaha waxaa ka mid ah in dib u eegis lagu sameeyo xeerka saxaafadda oo qodobbo ka mid ah ay culeysyo waaweyn saarayaan suxufiyiinta, arrinta aan sida gaarka ah uga hadalnay waxaa ka mid ah ganaaxa la saarayo suxufiga haddii uu si qaldan u tabiyo war,” ayuu yiri mid ka mid ah suxufiyiintii kulanka ka qaybgalay.

Suxufigan ayaa  wuxuu sidoo kale xusay in madaxweynuhu uu sheegay inay suxufiyiintu baahiyaan wararka Al-shabaab, isagoo tusaale u soo qaatay in markii ay dowladdu hadal u sheegto ay Al-shabaab weydiiyaan waxa ay ka qabto warkaas.

“Midda uu madaxweynuhu sida aadka ah uga hadlay waxaa ka mid ah inay warbaahinta qaarkeed muddo ka badan inta ay sii daayaan madaxda dalka ay sii daayaan kuwa Al-shabaab, isagoo dalbaday in taasi ay cadaaladda ka fog tahay; loona baahan yahay inay dib u eegis ku sameeyaan,” ayuu mar kale yiri suxufigan ka qaybgalay shirka.

Ugu dmbeyn, madaxweynaha Soomaaliya ayaa kula dardaarmay madaxda warbaahinta iyo suxufiyiinta inay u istaagaan badbaadinta dalka, maadaama xilligan xaalad adag oo badbaado u baahan uu dalku ku jiro.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya