4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 15, 2014
Kulan Muqdisho ku Dhex-maray Wasiirka Qorsheynta iyo Philippe Lazzarini


Isniin, September 15, 2014 (HOL) — Wasiirka Qorshaynta iyo Iskaashiga caalamiga ah ee Soomaaliya, Saciid Cabdullaahi Maxamed iyo wasiir ku xigeenka wasaaraddaas, C/llaahi Sh. Cali  Qaloocow ayaa maanta kulan la qaatay isku-duwaha arrimaha bani’aadamnimada QM u qaabilsan Soomaaliya, Philippe Lazzarini.

Kulanka oo saacado socday ayaa looga hadlay arrimo ay ka mid yahiin sidii loo adkeyn lahaa xiriirka dowladda iyo deeq-bixiyaasha, higsiga cusub iyo sidii ay wasaaradda ugu caawin lahaayeen howlaha horyaalla.

Markii kulanku soo dhammaaday ayaa waxaa warbaahinta si wadajir ah ula hadlayay wasiir ku xigeenka wasaaradda qorsheynta Qalloocoow iyo Philippe Lazzarini.

Isku-duwaha gargaarka bani’aadamnimo ayaa sheegay in kulanka ay uga hadleen sidi lagu xoojin lahaa xiriirka wasaaradda iyo Qaramada Midoobay, isagoo xusay inay dhankooda dhaqan-galin doonaan waxyaabihii ay kawada hadleen mas’uuliyiinta uu la kulmay.

Sidoo kale, C/llaahi Qalloocoow ayaa isna dhankiisa sheegay in arrimo badan ay kaga hadleen kulanka, kuwaasoo ay ugu horreeyaan horumarinta dalka iyo in la xoojiyo wada-shaqeynta dowladda iyo Qaramada Midoobay.

Kulankan aya wuxuu imaanayaa iyadoo dalka ay ka jiraan abaaro saameyn ku yeeshay dad badan oo ku nool gobollada dalka qaarkood, iyadoo dowladda iyo Qaramada Midoobay ka digeen inay isku bedelaan macluul.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya