4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 15, 2014
Wadahadal u Furmaya Xisbiyada Mucaaradka ah iyo Xukuumada Somaliland

Isniin, September 15, 2014 (HOL) — Xisbiyada mucaarad Somaliland ayaa sheegay inay xukuumadda la galayaan wadahadal ku saabsan sida laga yeelayo diiwaan-gelinta madaniga ah kaas oo ay ka soo qaybgali doonaan xisbiyadda mucaaradka, laba wasiir iyo xisbiga taladda haya ee KULMIYE.

Ku Simaha Xog-Hayaha Guud Ee Xisbiga Ucid Cabdinaasir Yuusuf Cismaan (Qodax) iyo Xog-Hayaha Guud Ee Xisbiga Wadani  oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inay wada hadal u bilaabmay iyaga iyo xukuumadda.

“Waxa maalmihii udanbeeyey Doodi ka taagnayd Xeer Diwaan Galinta Iyo Ka Madaniga ah,Kaas oo Maalmihii Udanbeeyey Khilaaf Hor Leh ka Dhex Abuuray Golahii Baarlamaanka,Waxaanu Maanta idiin cadaynaynaa kulamo ay Asxaabta mucaaradka Iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo ka Madaxtooyadayaasheen kana wada hadleen Xeerka Diwaan Galinta Oo Ay qaadaceen Asxaabta Mucaaradku”ayuu yidhi ku  Simaha Xog-Hayaha Guud Ee Xisbiga Ucid Cabdinaasir Yuusuf Cismaan (Qodax).

Waxaanu intaas ku daray “illa hadda waxa xal ah am Isfahan Guud oo aanu gaadhay majiro,Wada hadaladuna way noo Socdaan,Waxaanan Jecel Nahay inta ay wada hadaladu noo socdaan inaan laga hor dhicin,Waxaanan Ku Rajo waynahay inaanu is fahan Buuxa ka gaadhno”.

Cabdinaasir Yuusuf Cismaan (Qodax) ayaa sheegay inay kulankooddii maalinta bari dhici doono kaas oo ay ka soo qaybgali doonaan labadda xisbi mucaarad, laba wasiir, xisbiga kulmiye iyo lataliyeyaal sharci oo falanqeyn doono sida xeerkaasi loo samaynayo.

Xoghayaha Guud Ee Xisbiga Wadani Cabdilaahi Maxamed Uur Cade ayaa sheegay in aanay illaa hadda aragti midaysan ka gaadhin diiwaangelinta madaniga ah, haseyeeshee barri loo balansanyahay in la isqanciyo.

“Maalin dhawayd ayaanu asxaabta mucaaradka iyo xukuumada shir wada yesheen waxaana isla soo meel dhignay in xal laga gaadho Si aanay doorashu Car-qalada inooga galin Waxa laysku khilaafsan yahayna Xil Midaysan looga gaadho”ayuu yidhi xoghayaha guud ee xisbiga WADANI Uur Cadde.

Kulan maalinta Berri loo ballansan yahay ayaa noqonaya kii ugu horeeyey ee si rasmiya uga doodayaan diiwaangelintan Madaniga ah oo xisbiyada mucaaradku u haystaan inay carqaladaynayso doorashooyinka soo socda iyo xukuumadda oo ku doodaysa in aanay wax dhibaato ah u keeneen doorashadda.

Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland