4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 15, 2014
Bannaanbax Maanta ka dhacay Baydhabo iyo shirka Kismaayo oo laga digay


Isniin, September 15, 2014 (HOL) — Banaanbax ay baabulkiisa lahaayeen dadweynaha ku nool Baydhabo ayaa maanta ka dhacay degmadaas, iyadoo ay sidoo kale xildhibaannno shir ku qabtay degmada Baydhabo ay dowladda Soomaaliya kaga dalbadeen inay joojiso shirka lagu qabanayo Kismaayo.

Ganacsiga guud ee magaalada ayaa xirnaa maanta, iyadoo dadka dibadbaxa dhigayay ayaa ku wargeliyay ciidamada booliiska inay dibadbaxan dhigayaan, kaasoo lagu taageerayay maamulka Koonfur-galbeed ee lixda gobol ka kooban.

Dibad-baxayaasha ayaa socod ku mareen waddooyinka magaaladaas, waxaana dadkan hor-kacayay odayaal-dhaqameedyo iyo xildhibaanada ka mid ah kuwa maamulka Koonfur-galbeed.

Bannaanbaxyaasha waxay ku dhawaaqayeen erayo ay ka mid yihiin Jawaari ha dhaco, C/weli ha daco iyo kuwo kale oo ay kaga soo horjeedaan shirka ka furmay magaalada Baydhabo kaasoo madaxda dowladdu ay ku sheegeen inuu yahay mid dib u heshiisiin ah.

Shirkan ayaa la sheegay in lagu sameynayo maamul-goboleed saddex gobol ka kooban, si uu u bedelo labadii maamul ee horay looga dhigay Baydhabo, kuwaasoo uu soo dhexgalay khilaaf ba’an.

Dhanka kale, xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya oo Baydhabo shir jaraa’id ku qabtay ayaa dowaldda federaalka Soomaaliya ka dalbaday in ay joojiso shirka maalinta berri ah ka furmaya Kismaayo, kaasoo illaa 01-da bisha Oktoobar dib loo dhigay.

Xildhibaannada shirka jaraa’id qabtay oo ay ka mid yihiin; Sh. Aadan Madoobe, Samaan, Dalxa, Afaraale, Xaabsade iyo kuwo kale, iyagoo ka digay in shirkaas uu berri ka furmo Kismaayo, waxayna xuseen inuu xadgudub ku yahay go’aankii dowladdu ay shirkaas dib ugu dhigtay.

Hiiraan Online, Baydhabo