4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 15, 2014
Madaxweynaha Somalia iyo Wasiirro Kormeeray Isbitaalka Difgeer (SAWIRRO)


Isniin, September 15, 2014 (HOL) — Madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud oo ay wehlinayaan wasiirrada arrimaha gudaha iyo caafimaadka Soomaaliya ayaa maanta kormeeray dhismaha isbitaalka Digfeer ee Muqdisho oo lasoo gaba-gabeeyay dayactir iyo qalabeyn ay ku sameeyeen hay’adaha Turkiga ee dalka ku sugan.

Xasan Sheekh kusoo wareegay qaybaha uu isbitaalku ka kooban yahay sida saallada qalliinka, xarunta gargaarka deg-degga ah, qololka iyo sariiraha loogu talogalay bukaannada iyo qayba kale ee isbitaalku ka kooban yahay.

Isbtitalka Digfeer oo ka mid ah isbitaallada ugu casrisan Afrika, waxaana ku sugnaa maanta dhakhaatiir iyo howl-wadeenno caafimaad oo Turki ah, iyadoo madaxweynuhu uu kormeerka kaddib kulan la qaatay dhakhaatiirta Turkiga, kuwaasoo uu ku amaanay howsha caawimaadda ah ee ay Somalia ka wadaan.

Dr. Ugar Jonkoglu oo ah agaasimaha isbitaalka Digfeer ayaa madaxweynaha warbixin ka siiyay howshan caafimaad ee ay wadaan iyo halka uu marayo howlaha ka socda isbitaalka.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheeay in isbitaalka dhawaan xarigga laga jari doono isagoo u sheegay dhakhaatiirta Soomalida inay ka faa’iideystaan aqoonta ay dhakhaatiirta Turkiga dalka ku soo kordhiyeen si ay bulshadooda wax ugu taraan.

Isbitaalka Digfeer ayaa ka mid ahaa isbitaalladii ku burburay dalka colaaddii sokeeye ee dalka ka dhacday, inkastoo hay’adaha Turkiga ay isbedel weyn ku sameeyeen dib u dhis, isagoo dhawaan howlgeli doona.

Kormeerka uu madaxweynaha iyo wasiirrada ka tirsan xukuumaddu maanta ku tageen isbitaalka Digfeer ee Muqdisho ayaa imaanaya iyadoo shalay uu sidoo kale madaxweynaha iyo wasiirro dowladda ka tirsan sidan oo kale u kormeereen dhismaha garoonka diyaaradaha Muqdisho, kaasoo ay waddo hay’adda FAVORI ee dalka Turkiga.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya