4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 15, 2014
Soomaalida lagu Dilay Sanadkan Koonfur Afrika oo Tiradoodu Gaartay 43-qof


Isniin, September 15, 2014 (HOL) — Soomaalida lagu dilay Koonfur Afrika ee sannadkan ayaa tiradooda lagu sheegay inay garayso 43-qof, kuwaasoo ay ku jiraan saddex Soomaali ah oo maanta lagu dilay duleedka magaalada Pretoria ee xarunta ah, iyadoo 26 ka mid ah dadkaas lagu dilay Cape-town iyo duleedyadeeda.

Gobollada kale ee Koonfur Afrika ayaa iyagana sannadkan oo keliya lagu dilay 14-qof, kuwaasoo qaarkood la garaacay illaa ay dhintaan, waxaana tani ay sababtay in Soomaalidu ay kasoo cararaan deegaanno badan oo ganacsi ay ku lahaayeen oo ku yaalla dalka Koonfur Afrika.

Warbixinta ayaa sidoo kale lagu sheegay in sannadkii hore lagu dilay 56-qof oo Soomaali ah gobolka Cape-town, waxaana dilalkan fulinayay dad madow oo Koonfur Afrikaan ah, iyadoo Soomaalidu ay arkaan dilalkan mid ku dhisan jinsi-nacayb.

“Dalka Koonfur Afrika waxaa ku nool Soomaali badan oo qoxootinimo halkan ku timid, waxaana dastuurku uu dhigayaa in qofka qoxootiga ah uu daryeel caafimaad helo, inuu si xorriyadi ay ku jirto u dhaqdhaqaaqo, inuu yeelan karo hanti gaar ah iyo ganacsi iyo in si wanaagsan loola dhaqmo, balse intaa oo dhan Soomaalidu ma hesho,” ayuu yiri wariye Maxamed Nuur oo ku nool dalka Koonfur Afrika.

Isagoo sii hadlayay Nuur ayuu yiri. “Laakiin waxaa jirta halis ah in si gaara ah loo beegsado Soomaalida lana dilo, kuwaasoo intooda badan u muuqda kuwo ku dhisan jinsi-nacayb.”

Dilalka sannadkan Soomaalida loogu geystay gobolka Cape-town ee Koonfur Afrika ayaa ah kuwo ay xaqiijiyeen booliiska dalkaas, iyagoo booliisku ay ku sameeyaan dilalkaas baaritanano, balse aysan jirin cid ay u soo qabteen.

Afhayeenad u hadashay booliiska, Novela Potelwa ayaa sheegtay in dilalka noocan oo kale ah ay walaac weyn ku hayaan, iyadoo xustay inay dil walba oo dhaca ay baaritaan ku sameyaan.

“In qofku dhinto waa mid iska caadi ah, balse ma doonayno in qof Soomaali ah ay dilaan dad Koonfur Afrikaan ah. Hay’adaha amniguna waxay wadaan baaritaanno lagu xaqiijinayaan dilalkaas dhacay oo dhan iyo ciddii geysatay,” ayay tiri Potelwa.

Xoghayaha guud ee golaha guurtida Soomaalida Koonfur Afrika, Xuseen Cali Cumar ayaa ku eedeeyay dilalka dhaca inay geystaan dad gaar ah oo koox ahaan abaabulan. Isagoo xusay in dilalka Soomaalida lala beegsanayo ay yihiin kuwo si gaar ah loosoo abaabulay. Sidoo kale dilalku meelo kala duwan ayay ka dhacaan, waxaana dilalka geysta dabley abaabulan oo ay tahay ujeeddadooda inay dilal geystaan.

Sidoo kale, afhayeenka urur ay leeyihiin Soomaalida Koonfur Afrika oo lagu magacaabo Maxamed Cali ayaa sheegay in Soomaalida ganacsiyada ku leh deegaannada ka fog magaalooyinka ay la kulmaan weerarro joogto ah.

“Ciidamada booliiska waxaa la leennahay xiriir wanaagsan. Waxaanan kala shaqeynaa in lasoo kuwa looga shakiyo inay ka dambeeyeen weerarrada inta badan lala beegsado Soomaalida. Waxaana howshan aan billowday 2008-kii,” ayuu yiri Aadan.

Bishii lasoo dhaafay, laba qof oo Soomaali ah ayaa dhintay kaddib markii ay dhaawaceen rag hubeysan, xilli ay wateen baabuur ay doonayeen inay ku tagaan dukaankooda oo ku yaallay Elisies River, waxayna ku geeriyoodeen isbitaalka Tygerberg oo dhaawacooda la gaarsiiyay.

Ugu dambeyn, afhayeenka waaxda badbaada bulshada ee Cape-town, Ewald Botha ayaa sheegay inaysan jirin cid qaab jinsiyadeed loo beegsanayo marka la eego sharciyada booliiska, waxaana dadka Soomaalida ku dhiirri-gelinaynaa inay ka qayb-qaataan dadaallada looga hortagayo dableyda geysta dilalka.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya