4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 15, 2014
GAROOWE: "Saraakiisha Booliiska Puntland oo Tababbar loo Furay" [SAWIRRO]

Isniin, September 15, 2014 (HOL) —Madaxweyne ku-xigeenka Puntland C/xakiim C/llaahi Cumar ayaa maanta tababarkan ka furay magaalada Garoowe loogu qabanayo saraakiisha ciidanka booliska ee Puntland.

Saraakiisha la tababarayo oo ka kala yimid dhammaan gobollada Puntland wuxuu Madaxweyne ku-xigeenku kula dardaarmay inay si fiican uga faa'iideystaan aqoon isweydaarsigan, waxa ay ka bartaanna dib ugula noqdaan degmooyinkii ay ka yimaadeen.

Mar uu taas sharaxayey waxaa Mudane Camaey hadalladiisii kamid ahaa "cilmi badan ayaad halkan ka baranaysaan noocuu doonaba ha ahaadee, waxaa laydiinka baahanyahay idinkuna inaad ka faa’iideysataan  degmooyinkii aad katimaadeena aad ugu  faa'iideysaan"

Ugu dambeyntii wuxuu uga mahadceliyey booliska shaqada adag ee ay dalka u hayaan, isagoo ku boorriyey inay dadaalkooda halkaas kasii wadaan "waad ogtihiin anaguna waan ognahay inaad shaqo dhibkeeda leh khatarteeduna badan tahay umadda u haysaan...dadaal ayaa inoo ballan ah"

Tababarkan oo ah mid kor loogu qaadayo aqoonta saraakiisha booliska Puntland, soconna doona muddo toban maalmood ah, waxaa iska kaashanaya Wasaaradda Amniga, Taliska Ciidanka Booliska iyo Hay'adda UNDP.

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya