4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 15, 2014
Sheriff Stanek oo taageero weydiistay jaaliyada Soomaaliyeed ee Minneapolis


Isniin, September 15, 2014 (HOL) — Sheriff Rich Stanek oo ah madaxa amniga, badqabka  iyo asluubta deegaanka Soomaalida ee Hennepin ee Magalaadda Minneapolis ayaa shalay taageero weydiistay jaaliyadda Soomaaliyeed ee Minnesota, isagoo ka codsaday inay u codeeyaan doorashada bisha November.

Kulan lagu taageerayay Sheriff Stanek ayaa ka dhacay hoolka shirarka ee maqaayadda Safaari, waxaana ka soo qeyb galay qeybaha kala duwan ee bulshada, iyagoo u ballan qaaday inay codkooda siinayaan.

“Muddo 30 sanadood ah ayaan la shaqeynayay hey’adaha ammaanka wadanka, una adeegayay  dalka iyo dadka, sidaa daraadeed waxaan idinka codsanayaa codkiina” ayuu yiri Sheriff Stanek oo intaas ku daray

“Sida caadiga ah waxaan la dagaallami doona dambiyada iyo qalalaasaha, anigoo bartilaameedsan doona hubka sharci darrada ah, kooxaha qas-wadeyaasha ah iyo daroogada intaba,  waxaana xoojin doonaa xiriirka ka dhexeeya hey’adaha ammaanka iyo jaaliyadda Soomaaliyeed”

Culimada deegaanka Hennepin ee magaaladda Minneapolis ayaa iyaguna taagero u muujiyay Sheriif Stanek.

“Sheriff Stanek wuxuu nagu leeyahay abaal, sababtoo ah wuxuu noogu hiiliyay Warbixntii uu qoray,  isagoo dowladda Mareykanka ka dhaadhiciyay inaysan bulshada Soomaaliyeed halis ku aheyn ammaanka wadanka, sidaa daraadeed waa inaan u codeynaa” ayuu yiri Imaam Xasan Jaamici oo ka mid ahaa culimadii ka hadashay  kulankaas.

Sheekh C/salaam Aadan ayaa isna Sheriff Stanek ku ammaanay doorkii uu ka qaatay in xabsiyada loo oggolaado in dumarku xijaabkooda la soo galaan, isla markaana aan la takoorin dumarka asturan ee maxaabiista ah.

Waxaa iyaguna kulanka ka hadlay, Sheekh C/raxmaan Sheekh Cumar, Sh. Axmed Taajir, Daahir Mire, Imaan Sacad iyo Fartuun weli oo dhammaantood Sheriff Stanek ku ammaanay garabkii uu siiyay jaaliyadda SOomaaliyeed ee gobolka.

Ugu  dambeyntii Ururka Somali Citizens league ee uu hoggaamiyo Jabriil Afyare iyo maqaayadda Safari oo inta badan ka qeyb qaadata howlaha horumarinta jaaliyadda ayaa abaalmarino guddoonsiiyay Sheriff Stanek iyo Cabdi Maxamed (Cabdi Dheere) oo ah madaxa wacyigalinta ee xaafiiska Sheriffka.

Faarax Blue, Hiiraan Online
[email protected]
Minneapolis, Minnesota